(Anuu waxaan ahay, hadal la arko, balse aan la maqlin. Waxaan soo gudbiyaa, hadalada culis, ee loo waayay eray u dhigma. Kolba qofbaan caafimaad u noqdaa. Waxaan u ahay, hooyo iyo aabbo qarsoon, kolba qofkii ii baahda. Mar waan la murugoodaayoo, ilintaas aad arkayse, dhabanka yaacaayse, hadba tibiqda haysaa, waa dhiiggii qofkoo, kaygiina lagu daray, oo isla noqday, xinjiro biyo ah. Marna waan la farxaayo, farxaddii qofkoon, ku dul shiilay wadnahiisa, oon ku qaboojiyay erayo wanaagsan oo naxariis wata. Intaas oo biyo noqotay, ayaay marna isku badashaa. Erayadu ma macnaayn karayaan, mar walba, waxa ku jira qofka qalbigiisa).
Ayeeyo Yaasiinoow, (ilmadu waa, erayo dhibco biyo ah, oo markuu afku waayo kalmadahi macnaayn lahaa dhibtaas ama farxadaas ay indhahu u hadlan afka, iyagoo soo gudbinaaya kolba waxaay naftu leedahay ee markaas gubaya qalbigooda ama ay naftoodu la riyaaqsan tahay, ee qiiro galiyay. Dhibic walba oo ilmo ahiba, waxaay u dhiganta boqol eray. oo ku timi si murugo lahiba, waxaay qofka kaga tagtaa saamaayn wayn).
Yaasiin iyo fiirsashadiisii, badnaayd.
Yaasiin wuxuu fiirsasho gaar ah u yeeshay aabbihii, wuxuuna ogaaday, in uu aabbihii hadalo xunxun, ku yidhaa hooyadii, wakhtiyada uu waayo jaadka ee aanu qayilaayn. Yaasiin wuxuu aaminay hadduu aabbihii qayilo, in aanay hooyadii ooyi doonin. Aabbihii wuxuu ahaan jiray, qof aad u faraxsan, intuu qayilaayo. Wakhtiyada uu hurdo ama uu suuqa u baxo, iyaga farxad baay u ahaan jirtay. Markuu yimaadana, waxaa la moodi jiray sidii dad ay geeri ku dhacday. Hadduu soo fadhiisto, meel ay joogaan ciyaalkiisuna, qofba dhinac ayuu u hogan jiray ama wayba ka kici jireen, iyagoon dareensiinaayn aabbahood. Isaga iyo caruurtiisu, ismaay indho buuxin jirin, wuxuuna u haaystay, in ay Qamar ku dirto, balse mabu isku sii luri jirin.
Maalin maalmaha ka mida ayuu waayay jaad Nuur, Yaasiinn wuxuu arkay, in uu aabbahii yahay bilaa jaad. Wuxuu ka baqay, in uu aabbihii dhibaato gaadhsiiyo hooyadii. Wuxuu siiyay lacag, ay ayeeydii siisay oo uu is lahaa, ku iibso garan uu kubada ku ciyaaro. Nuur markuu arkay inankiisii oo lacag siinaaya ayuu qoslay, wuxuuna ku yidhi:
- Intani waa sigaarkayga, jaadna waan soo amaahan aabbo. Mahadsanid, waa lacagtii iigu horaysay, ee uu i siiyo ilmo aan dhalay. Yaasiin markuu intaas maqlay, ayuu iska dhaqaaqay, isagoo luudaaya, oo la moodo sidii qof xanuusanaya oo kale. Markuu in yar sii socday, ayuu dib u soo jeedsaday, wuxuuna ku yidhi aabbahii:
- wanaagsanaan lahaayde aabbo, adoo mar walba sidan u faraxsan, hooyana way farxi lahaayd. Nuurna wuxuu ugu jawaabay inankiisii:
- Aabbo marmar baan leeyahay sharaarad, lakiinse idiinka iyo hooyadiinba, waxaad tihiin kuwa qudha, een ka masuulka ahay, wax waloo wanaagsanna aan la jeclahay. Haddii aanu isku xanaaqno aniga iyo hooyada, waxaad ka soo qaada oo kale, markaaydun is laaysaan adi iyo walaaladaa. Dadku way is laayaan, wayna ka hishiiyaan. Dhawaanna waxaaynu u baxaayna tuuladii Baal Cad ee ay deganaayeen walaaladay, kuligeen, macal hooyadaa. Intaas markuu maqlay ayuu Yaasiin kala badbatay.
Safarkii iyo tuuladii Baal Cad.
Yaasiin reerkoodoo dhami waxaay u baxeen, tuulo yar oo la yidhaa Baal Cad. Intaay jidka sii socdeen, ayay noqotay xiligii qadada, waxaay soo wada fadhiisteen meel maqaaxi ah oo lagu kariyo cuntada. Yaasiin wuxuu arkay aabbihii oo cunay wasladiisi oo sii qaadanaya wasladii hooyadii, intaanu aabbihii qaadan, ayuu ka hor qaaday wasladii, wuxuuna siiyay hooyadii, aad bay u yaabtay hooyadii, intaay ka qaadatay wasladii Yaasiin, ayay siisay Nuur. Yaasiin aad buu u dhibsaday, in ay hooyadii siisay wasladdeedi,i isagoo aabbihii cunay tiisii, wuxuu soo qaaday wasladiisii, wuxuuna siiyay hooyadii, waxaay ku tidhi:
- Iska cun hooyo, adaa soo koraayee.
Yaasiinna wuxuu yidhi:
- Aababa waad siisee, muu ku koraayaa? Intaayna u jawaabin, ayuu u fidiyay wasladdiisii hilibka ahaayd.
Wuxuuna ku yidhi:
Hooyo adba waad u baahan tahay, ee iska cun.
Intaay dhoola-cadaaysay ayay ka qaadatay wasladdii. Qamar waxaay dareentay, in inankeedu si gaar ah, ugu fiirsado aabbihii hadaladiisa iyo habka uu ula dhaqmo hooyadii. Iyagoo goobti jooga ayay la faqday Nuur. Waxaayna ku tidhi ?..?
La soco qaybta 4 aad.
Qalinkii Huda Sh. Yuusuf (HShY)
Huda-sh-yusuf@hotmail.com