Nin Reer Boosniya Ah Oo 6-Kun Km Uga Soo Lugeeyay Magaalada Maka Al Mukarama Si Waajibaadka Xajka Uu U Soo Guto
(Hadhwanaagnews) Monday, October 22, 2012
Mecca, (HWN/Agencies):- Waxa Magaalada Barakaysan ee Maka Al Mukarama soo gaadhay, nin u dhashay dalka Bosnia oo dalkiisa uga
Mecca, (HWN/Agencies):- Waxa Magaalada Barakaysan ee Maka Al Mukarama soo gaadhay, nin u dhashay dalka Bosnia oo dalkiisa uga soo safray sidii uu waajibaadka xajka u soo gudan lahaa, laakiin waxa uu ninkani ku soo safray hab ka duwan kuwo xiligan loogu safro Kabcada iyo Xajka, kaas oo ah qaabkii qarniyadii hore lagu iman jiray ee lugta ahaa.
Ninkan oo lagu magacaabo Sand Hadzic waxa uu bishii Jun ka soo ambabaxay magaalo ku taala waqooyiga Bosnia, waxaanu soo gooyay masaafo lix kun oo km lagu qiyaasay,
sida uu wakaaladaha wararka u sheegay waxa uu maalin kasta soconayay ama lugaynayay masaafo labaatan ilaa sodon km, gaadhaysa.
Ninkani waxa uu sheegay in markii uu socdaalkiisa bilaabayay uu wax aduun ah sitay laba boqol oo Yuuro, laakiin intii uu dhexda ku soo jiray inta ugu badan uu marti ugu hoyanayay dadka ehlu khayrka ah, waxa uu xusay in uu seexan jiray, waddooyinka, masaajidada iyo dadka uu martida ugu soo hoydo.
Inta badan cuntada iyo cabitaanka waxa siin jiray dadka Martida uu ugu soo hoydo, kuwaas oo uu ku tilmaamay in badankoodu wanaagsanaayeen, isaga oo xusay in aanu halaabin ama meelaha qaarkood galin go?doon.
Ninkan reer Boosniya ayaa sheegay in uu go?aansaday inuu xajka sanadkan soo guto, laakiin uu waayay wax lacag ah oo uu ku yimaado, sidaa awgeed uu go?aansaday inuu lug ku tago, waxa uu ka waramay in ilaa lix waddan uu soo dhex jibaaxay, kuwaas oo meelo kala duwan uu ka soo dhex maray, sida dhul buuraley ah meelo dooxyo ah iyo meelo xitaa xayawaano dad qaad ahi ku nool yihiin.
Sandit Hadzic ayaa sheegay in mararka qaarkood dadku u baqan jireen noloshiisa oo ay ku boorinayeen in aanu isku marin meelo cabsi ka jirto, laakiin uu u sheegayay in Illaahay ku lamaan yahay oo maciisa yahay, meel kasta oo laga baqanayayna uu soo maray ilaa uu nabad qab ku soo gaadhay halkii uu u soo hamiyay.
Hadzic oo da?diisu tahay todoba iyo afartan jir waxa uu ka waramay arrimo badan oo mucjiso ah oo uu safarkiisan, kala soo kulmay, sida isaga oo aan arag wax dhibaateeya iyo in Illaahay u sakhiray oo aanu daal iyo dhibaato midna kala kulmin, waxa uu ahaa mid aad ugu faraxsan oo laga dareemayay inuu gaadhay go?aankiisi sida isaga laftiisu ka marag furay.
Faysal Maxamed Xasan
Hadhwanaag/Office Hargeysa Somaliland
faysal@hadhwanaag.org