Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Dugsi Galay Dhacdooyinka Cajiibka ah ee Adduunka, Kadib Markii Baaxadiisa Lala Yaabay


(Hadhwanaagnews) Tuesday, October 23, 2012
?Dugsigayadu waxa uu u koray si aan caadi ahayn, waxaannu dedaalkayagu soo jiitay indhaha waalidiinta, waxaanannu siina ardayda adeeg waxbarasho oo aad u sareeya,

Dugsi ku yaala dalka Hindiya ayaa galay dhacdooyinka cajiibka ah, kadib markii lala yaabay baaxada uu ku fadhiyo iyo tirada ardayda dhigata, isagoo la sheegay in casharada dugsigaas ay u soo xaadiraan 40,000 arday, sidaas darteedna loo aqoonsaday iskuulka dugsiyada adduunka ugu baaxa weyn.

 
Dugsigan oo isugu jira dugsi hoose/dhexe iyo mid sare oo ku yaala magaalada Montessori ayaa intii u dhaxaysay sannadadii 2010 ilaa 2011 waxa iska diiwaangeliyey arday tiradoodu dhan tahay 39,437 (sagaal iyo soddon kun, afar boqol iyo toddoba iyo soddon) arday.


style="FONT-FAMILY: ´Arial Narrow´,´sans-serif´; FONT-SIZE: 14pt"> 
Dugsigan ayaa tirada ardayda dhigata sannadkan kor u dhaaftay 45,000 arday, iyadoo ay wax u dhigaan macallimiin tiradoodu dhan tahay 2,500 macallin, sidoo kalena waxa yaala 3,700 kombuyuutar oo ardayda wax lagu baro, fasaladiisuna waxay ka kooban yihiin 1,000 fasal.
 
Dugsigan oo loo yaqaan CMS waxa fura Jagdish Gandhi iyo xaaskiisa Bharti sannadkii 1959-kii, iyagoo ku furay lacag dayn ah oo ay qaateen, taasoo dhammayd 300 Rubi, taasoo waqtigan u dhiganta 20.38 Dirham, waxaana dhigan jiray shan arday oo kaliya.
 
Dugsigan waqtigan waxa uu 20 xarumood ku leeyahay magaalooyinka Lucknow, Uttan Pradesh, waxaana aad loogu xasuusta imitaxaanaadkiisa heerka caalami ah.
 

?Dugsigayadu waxa uu u koray si aan caadi ahayn, waxaannu dedaalkayagu soo jiitay indhaha waalidiinta, waxaanannu siina ardayda adeeg waxbarasho oo aad u sareeya, darajadan dhacdooyinka adduunka ee aannu ku guulaysanay waa wax muhiim noo ah aadna aannu ugu faraxsanahay,? ayuu Wakaaladda Wararka ee AFP u sheegay Jagdish Gandhi oo waqtigan isagoo 75 jir ah dugsigan gacanta ku haya.

Ibrahim Khadar Siciid
Hadhwanaagnews/Office
Hargeysa/Somaliland
 

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.