Qahira-(HWN)-Sida uu baahiyey Wargeyska Masar al-youm oo soo xiganaya ra?yi uruurin uu dadka reer Masar ka sameeyey Wargeyska Caanka ah Foreign Policy Magzine-kana soo baxa Dalka Maraykanka ayaa daaha ka rogay in dadka reer 65% rabaan inuu soo laabto xidhiidhkii Udhaxeeyey dalkooda Iyo Waddanka Iran, waxayna dadkaas aftidda laga Qaaday sheegeen in Dalkooda Waa Masare Iyo Iran xaq u leeyihiin inay Helaan Hubka Nuclearka.
Dadka
yes"> reer Masar ee aftidda laga uruuriyey 87% sheegeen inay rabaan in dalkooda hooyo ee Masar helo Qunbuladda hubka sida ba?an wax ugu Maada Ee Nuclearka waa sida uu qoray Wargeyska Foreign Policy Magacine , ee kasoo baxa dalka Maraykankuye.
Dhinaca kale Madaxa Urrurka Isreal Project, oo wargaysku arrintan Wax ka waydiiyey ayaa wel-wel ka muujiyey in dadka reer Masar 87% raali ka yihiin inay helaan Qunbulad Nuclear ah taas oo Amaanka Isreal oo khatar sii Gellaya wixii ka danbeeyey kacdoonaddii Dunida Carabtu ay tana tahay halis kale oo soo korodhay
Cabdi Yaasiin Ahmed(Yool)
Hadhwanaagnews-Office
Qahira/Masar
Facebook:-Cabdi Yaasiin Yool
Email.:-Cabdiyasiin@hotmail.com