style="FONT-FAMILY: ´Arial Black´ ,´sans-serif´; COLOR: #555555; FONT-SIZE: 12pt; mso-bidi-font-family: ´Times New Roman´; mso-fareast-font-family: ´Times New Roman´; mso-fareast-language: NO-BOK">Waxaa marba marka kasii dambeysa sii badanaya, Fadeexado iyo lunsasho Hanti Dadweyne oo kusoo baxaya Madaxda Sare Sare ee ka taliya Qaarada Afrika, taasoo caalamku indhaha ku hayaan una saareen Gudiyo Garsoor iyo Guddi Kormeer ah oo hoos taga Qaramada Midoobey, ilaaliyana musuqmaasaqa ka faaiideysiga mashaariicda ama lunsiga kheyraadka dabiiciga ah ee hantida shacabka ka dibna u bedeshaan ganacsi gaar loo leeyahay.
Waxa dhowaan soo shaac baxay in la magacaabay xilal qarsoodi ah Madaxtooyada Somaliland dad ku dhow dhow, loona magacaabay Heshiisyada gaarka ah ee Kheyraadka dalka.
Waxa su?aal u baahan in uu baarlamaanka iyo ummada reer Soomaliland muhiim u ah iney ogaadaan shirkadahan Sahaminta Batroolka iyo Macdanta halka ay ka yimideen, shaqada ay hayaan iyo halka ay hiigsanayaan, iyadoo ay runta tahay in ay yihiin shirkado aad iyo aad u mug yar, dhaqaalla badan oo wax qabadeed ama baaritaaneed aysan laheyn ama heli karin. Balse ay jirto xidhiidh iyo heshiisyo gaar ah oo ay wada yeesheen madaxda sare ee dalka si ay u suurtowdo in uu hamigoodu noqdo in ay gacanta ku dhigaan kheyraadka dabiiciga ah ee dalka iyo Maareynta shidaalka Somaliland.
Muxuu yahay heshiisyada qarsoodiga ahi ama baarlamaanku ama shacab weynaha reer Soomaliland aysan ogeyn??Anigoo si faahfaahsan idiinku soo gudbin doona, aan inyar idin tuso, sida ku cad saamiyada la kala iibsaday ilaa ganacsato carbeed wax ku leeyihiin kheyraadkeenii iyo dad dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland laakiin haysta dhalashooyin ajnabi, ka akhri halkan http://www.ophir-energy.com/assets/somaliland#licence
Tasoo aad ka dheehan kartid runtii, Percentage ama tirro aad u badan oo ay shirkado shisheeya lahaadaan iyo Maamulista Maareynta Batroolka iyo kheyraadka dalka Somaliland, marka loo eego shirkadahan Orphin, Asante, Australia Jacka Farms Resources iyo kuwa kaleba oo haba yaraatee wax qarash ah oo la taaban karo aysan ka gelin howlahan cilmi baarista shidaalka ku saabsan, ama haddey noqon laheyd wixii kalee horumarin arrimaha bulshada ee dalka ku saabsan oo aysan waxba ka geysan, kheyraadkii dabiiciga ahna dalka ka guranaya.
Qoraalkeygaan aan ugu tallo galey in aan dareen geliyo shacabkayga iyo galaha Wakiilada waxaan u sheegayaa inaan maqaalkayga dambe ku soo gudbinayo, sida, Macluumaadka guud ee shirkad walba, Sharciga Maareynta Kheyraadka dabiiciga ah, Madaxda dalkeena ilaa inta ay kaga jiraan ama ashkhaasta ku lug leh arrimahan lunsiga kheyraadka dalka iyo waxa la gudboon Baarlamaanka, kuna soo gudbin doono dukumentyo cadeynaya arrimaha aan soo sheegay.
Prof. Mohamed Ahmed Farah (Jaafaa)