Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


qaybtia 1aad T ee taxanaha Hal-Abuurka Maankayga by W/Q:Mohamed foodcade


(Hadhwanaagnews) Tuesday, October 23, 2012
Waxa mahad oo dhami u sugnaatay Illaahay S.W;sokodiina Bahwaynta saxaafada afka soomaaliga Gaar ahaan Mareegta Hadhwanaagnews

بسم الله الرحمن الرحيم

Waxa mahad oo dhami u sugnaatay Illaahay S.W;sokodiina Bahwaynta saxaafada afka soomaaliga Gaar ahaan Mareegta Hadhwanaagnews

Mahadnaq dabadiis aynu gudo-galno taxanaheena Hal-Abuurka Maankayga oo inoo socda qormadeenii horena aynu ku soo qaadanay Deegaanka iyo sidii aynu uga qayb qaadanlahayn habkii uu Bilaantiisii dabiiciga ahayd ee Mawle ku sugay aynu ugu soo celin lahayn.

Haatana qormadan waxaynu ku baran doona Degmo iyo qaababka ay ku korto,kuna hesho

bulsho badan,Noloshuna uga suurtoowdo oo aynu ku horumarinlahayn Degmooyinkeena.

 

T:Degmo

 

Degmo sideedaba waynu isla garanay baan filayaa degmo waa goob ama bar ka tirsan deegaan oo ay bulsho ku dhaqantahay kulmisana shacab-badan.

 

Intaas Hadaan ku dhaafo Qeexitaanka dagmo,aynu ku horayno siyaabaha degmo ku korto ama ku fiddo.

 

b) degmo waxa aynu odhan karnaa waa inay ugu horeen yeelataa maamul-degmo iyo laamo-Amnni oo suga amaanka iyo nidaamka kala hagiseed ee bulshadaasi ku nool degmadaas.

t) degmo waa inay yeelataa dhamaan goobaha caafimaad ee u adeegi lahayd bulashadaasi si ay u kasbato kalsoonida shacabka ku nool oo aanay marnaba uga baxi lahayn degmadaas.

j) degmo waa inay yeelataa dhamaan adeegyadeeda waxbarasho min dugsi hoose ilaa Jaamacad iyo dhamaan inta u dhaxaysa si aanay u waayin shacabkeeda oo hadii aanay suurto galin adeegasi ay u heelanayaashu ay ka tagi karaan degmadaas iyagoo ku jihaysan meel wal oo ay ka helayaan adeegaas ay baahidoodu tahay.

x) degmo waa inay lahaata wakaalad biyoood ama Ishii biyood ee soo saari lahayd biyo ku filan degmadaas.

kh) degmo waa inay lahaataa Adeeg-Tamareedka Korontada ama dab ku filan oo suurto galiya dhamaan hanaqaadka fulinta adeegyada ay u baahantahay degmadaasi.

kagayoon mayno marnaba baahiyaha degmo balse intan aan xusay waa inta aan aaminsanahay inay ugu muhiimsanyahiin baahiyaadka degmo si ay u kasbato ku noolaanshaha bulashadeeda ku dhaqan degmadaasi.

Sidaynu u Horu-marinkarnaa Degmooyinkeena?

dhamaan adeegyadaasi aynu kor ku soo sheegnay waxay suurto galinayaan inay jirto oo balaadhato,korto ,fido degmo mudo iyo qarniyo badan,hadii sideeda loo maamulo,hadaba marka adeegyadasi la helo hadana waxa loo baahanyahay Horumar wax loo yaqaan ,bal aynu hadaba yar faalayno sida aynu u horumarinkarno degmooyinkeena.

b) degmo waxa aynu ku horumarin karnaa casriyaynta maamulka iyo laamaha amniga ee degmadaasi.

t) degmo waxa aynu ku horumarin karnaa samaynta wadooyin ama laami hadba sida loo yaqaan dhamaan ukala baxa meel wal oo bulshadu u baahantahay inta ugu aqlabiyada badan ama ugu isticmaalka badan.

t) degmo waxay ku horu-mari kartaa bilicdeeda oo la sugo iyadoo qaababka loo qurxinayaa ay ahaanayaan qaababkan.

i)dhirta,ubaxa,iyo nadaafada oo loo badiyo gaar ahaan hareeraha wadooyinka

 

ii)dhismayaasha iyo suuqyadeeda oo la habeeyo laguna dhiso qaabayn iyo habraac nidaamsan.

iii)sariibadaha,istaamada gawaadhida,parkinada(meelaha la dhigo baabuurta) oo dhamaan la habeeyo hab casri ahna u shaqeeyaa waxay sababtaa kor u qaadista bilicda degmadaas......iwm

j) dhalinyaradu waa muhiimada umad walba sidaa darteed yaynaan ilaabin adeegyadooda gaarka ahi waa muhiim sida abuurista garoomo (stadioms) u kalabaxa kubada-cagta,kolayga,orodka iyo dhamaan adeegyada cayaareed (sports)ee dhalinyarteenu u baahato,waxaan ka madhnayn kuwa waxbarashada sida library,carwooyin ama goobaha lagu kaydiyo taariikhaha muhiimka ah si ay wax uga sii ogaadaan taarikhii umadahoodii hore soo mareen maadama oo ay iyagu yihiin facca beri waa muhiim in lagu sii shiniyeeyo taariikhdooda.

Adeegyadaas iyo dhamaan talaabooyinkaasi aynu kor ku soo xusnay waxay suurto galinayaan inay hirgasho degmadaasi qarniyana jirto oo ay ku talaabsato horu mar caalami ah iyadoo la jaanqaadaysa caalamka.

waxa muhiim ah inaynu ogaano qurxinta iyo qaabaynta nidaamku waxay suurto galinayaan kalsoonida shacabka ama bulshada ku dhaqan degmadaasi isla markaana waxay ku goaan qaadanayaan inay noloshooda ku dhamaystaan degmadaasi oo aanay marnaba ka guurin.

Ku-aadan.

maqaalkaygani waxa uu ku aadanyahay sitoosana u quseeyaa waa dhamaan masuuliyiinta degmooyinka,iyadoo haatana aynu ku gudo jirno xulista masuuliyiintaasi oo aan Insha-Allaah ugu ducaynaayo inta la soo xusho in alle xilkooda u fududeeyo,garansiiyana xilka ay bulshadu u igmatay inuu ku yahay waajib sidaas darteedna aanay niyad jabin bulshada ee intii karaankooda ah ay u qabtaan,gaar ahaan kuwayoowga ugu muhiimsan ee aynu kor kusoo xusnay..akhriste ama xildhibaan ogsoonoow intan oo kali ahi maahan qaababka ay ku fido degmo kuna horumarto balse adna maankaaga waad maali kartaa kuna dari kartaa dhamaan waxii kula gudboon

 

dhamaad.

 

waxaynu soo afmeernay qaybaheenii aynu kaga hadlaynay deegaanka iyo degmooyinka iyo siyaabaha loo horumarin karo oo aynu ku soo kala qaadanay B:Deegaanka iyo T:Degmooyinka .

Maqaalkeenan Hal-Abuurka Maankayga ee sida taxanaha ah? inoogu socon doona waxaynu kusoo qaadan doonaa qaybaheena xiga Ganacsiga siyaabaha uu ku kobco,kuna Balaadho iyo waliba siyaabaha uu ku Horumaro.

 

filo dhawaan

La soco qaybta xigta.......la socod wanaagsan.........

Mahadsanid Akhriste

Allaa Mahad leh.....Nabigaa sharaf leh (S.C.W)

********************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.