jaraa,id ku qabtey Gurigiisa oo kuyaala Gudaha Magaalada Gabiley ayaa, sheegay in aanu ka hadhi doonin Warkaas been abuurka ah islamarkaanu aanu jirin meel uu kaga hadley Mowduuc ku wajahan been abuurka laga faafiyay isagoo arintaa ka hadlaya waxa uu yidhi.
"Bismilaahi raxmaani raxiim waxaan doonayaa inaan halkan ku beeniyo War Been abuur ah oo uu iga faafiyay Joornaal aanan garaneynba oo ay imiku iigu horeyso Magaciisu Waa Hubaal cadadkiisii 75aad ee soo baxey 22kii bishan Isniintii kaas oo ay nuxurkiisa ku sheegeen In Aniga Suldaan Ibraahim Jaamac Samater aan Talafishanka Somali-Chanel ka Sheegay inaan Doorasho ka dhici karin Waqooyiga Galbeedka ilaa Deegaanka Arabsiyo arintaas oo fajaciso igu noqotey Waana Been aan Sal iyo Raad toona laheyn oo cadaan ah Waxaanan la yaabay Joornaalkaa Cusub eenan garaneynba xataa meel uu kasoo baxo, Shacabka Gobolka Gabiley iyo Somalilandba waxaan u sheegayaa in aanu Warkaasi wax alaala wax kajiraa jirin Anigu Hadaan Suldaan Ibraahim Jaamac Samater ahey, kaasi ma aha afkeygii walina la igama maqal war noocaas ah, Gabiley iyo Gobolkba waxa ka sharaxan Murashaxiintii oo dhan oo Meel Walba ka diyaar ah sababta ay Warkaas been abuurka ah anigu iigu shaabadeeyeen garan maayo Waxaanan, leeyahey Joornaalkaa Sheegtey Hubaal in uu meel kaga dhacey Magacaasi waayo Hubaal waa kama dambeys oo waa xaqiiqa oo wax lahubo hadal meel alaale meel uu ka keenay iyo meel uu kasoo xigtey jirin in uu iska qoro fadeexad ayay ku tahey waana fidmo waxaan leeyahay hadaad doonaysaan in aad kusoo caan baxdaan waxan oo kale waxaa lagu caan baxaa Waxyaabaha Xaqiiqada ah ee Runta ah ee Been laguma soo Caan baxo, waxaanan uga fadhiyaa Joornaalkaasi in uu cadeynteedii ii keeno kamana hadhayo ilaa uu keenayo waxaanan ugu imanayaa Hargeysa waanan dabagalayaa waxaanan leeyahey hadaad is leedihiin fursad ka faa,ideysta Shacbiga Reer Gabiley iyo Kuwa Reer Awdal iyo dadka Deegaanadani waa walaalo Dowlada ayaa looga baahnaa in Beenaalaha leh cidbaa hub urursaneysa ay qabato ee fidmada Been abuurka ah aloosaya laakiin garan maayo arintaas"Ayuu Yidhi Suldaan Ibraahim Jaamac Samater.
Suldaan Ibraahim Jaamac Samater waxa uu hadalkan ka jeediyay Shir, jaraaid oo uu ku qabtey Gurigiisa oo kuyaala Gudaha Magaalada Gabiley.
Waxa kale oo Suldaan Ibraahim Jaamac Samater hadalkiisa kusoo khatimay in uu Bulshada ku guubaabinayo in ay u diyaar garoobaan Doorashada isagoo dhinaca kalena Sheegay in uu Hamabalyeynayo Guud ahaanba Shacbiga Somaliland Munaasibada Ciida Barakeysan ee Kusoo fool leh Maalmaha Soo socda iyadoo lagu guda jiro Xajkii iyo Carafa.
.Suldaan Ibraahim Jaamac Samater oo inta badan ka hadla arimaha Guud ahaan Dalka Somaliland iyo Gobolada Gabiley iyo Awdal ayaa, dhawaan jawaab ka bixiyay Hadal ka soo yeedhay Wasiirkii Xukuumadii Hore Rayaale ee Wasaarada Warfaafinta Axmed Xaaji Daahir oo isagu sheegay in aanay Gobolada Awdal Doorasho ka dhaceyn taas, oo uu ku sheegay in uu iska hadley ee ay Muqadas tahey Doorashada oo ka qabsoonta Deeganadaas isagoo dhinaca kalena aanu Suldaan Ibraahim inta badan ka hadlin arimaha Muranka Dhuleed ee u dhexeeya Gabiley iyo Awdal.
Hadhwanaagnews Gabiley Office