Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


HALYEEYADEENU MAXAY INAGA MUDAN YIHIIN Qalinkii;Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood


(Hadhwanaagnews) Tuesday, October 23, 2012
Caqligu waa xubinta ugu wanaagsan uguna qaalisan ee allaah(swt) inoogu talo galnay inaynu ku

Caqligu waa xubinta ugu wanaagsan uguna qaalisan ee allaah(swt) inoogu talo galnay inaynu ku kala garano
Wanaaga iyo xumaanta waxaana inta badan dhamaystira oo uu qofku noqon karaa qof dhamaystiran cibaadada

       Allaah iyo qalbigiisa oo uu ku nadiifiyo quraanka kariimka ah oo ah dastuurka allaah(swt) aduunyada ugu talo galay

      In lagu dhaqmo xukunna laga yeesho,waxaa beryahanba websityada iyo wargaysyada ku soo baxayey qoraalo taxane ah 

     Oo uu soo qorayey halyeeyga qaaliga ah ee c/raxmaan yuusuf ducaale(boobe) oo ah halyeeyadii wadankooda hooyo u 

    Soo halgamay oo  m/waynaheena Mudane axmed maxamed maxamuud uu xilka wasiirnimo ka

qaaday,sideedaba qofka 

   Muslimka ahi marka xilka laga qaado laba mid ayuu noqdaa xil ka qaadistiisu 1- mid lagu gefay oo ay shacabka reer soomaaliland

  Marqaati ka yihiin. 2-mid uu isagu sabab u yaha. waxaa iswaydiin leh marka qof miisaan,meeqaam,iyo sharaf ku dhex leh bulshada 

 Dhexdeeda lagu gefo laba mid ayuu sameeyaa inuu gefkaas af,adin iyo qoraal ku aarsado umaddana u soo bandhigo xaqiiqooyin 

Dhab ah oo ka dhacay xukuumadda gudaheeda oo aanay shacabku ogayn iyo inuu allaah(swt) talo saarto oo uu iska samro waxna 

Aanu sheegin,balse qofkasta oo xil dawladeed haya iyo midaan haynba waxaa wanaagsan in lays karaameeyo oo qofba qofka ka 

Wayn ama ka yar ama xil dawladeed haya ama yaanu hayne aan af lagaado,cay,iyo hadalo aan loo baahnayn laysu mariyo saxaafadda

Sababtoo ah waxa wanaagsan in aynu noqono xukuumad iyo shacabba in qofba qofka kale karaameeyo oo lays ixtiraamo lagana 

Fogaado waxyaalaha shacabka,iyo goboladaba kala fogaynaya waxaynu  21 sano haysanay dawlad aan aduunyadu aqoonsan oo 

Yagu waxqabsaday qofkasta oo reer soomaaliland ahba waxaa ku waajib ah inuu wadanka horumarintiisa ka qayb qaato,shacabkuna ka 

Fogaadaan marka nin masuula xilka laga qaado ee uu xukuumadda wax ka sheego inaanay ku dhex lumin balse jawaabteeda ay u taalo

Xukuumadda taladda haysaa,shacabkana waxaa looga baahan yahay wixii dhaliila ee muuqda inay xukuumadda ku toosiyaan balse aanay 

Dhaliisho noqon mid mala awaala ama been abuurada ama cunsuriyada iwm,qofkasta oo masuula waxaa inaga saaran inaynu mustawihiisa

Ku karaamayno xadgudubna aynaan ku samayn,balse markaan wasiir iska weeraro oo aan idhaahdo taladii wadanka ayuu maroorsaday

Oo aan maqaalo aan ku dhisnayn xaqiiqada oo qabyaaladi ku jirto ku soo qoro ma anigaa wax isu dhimay mise waxaan wax u dhimay 

Wasiirkaan weeraray,tusaale ahaan wasiirka m/tooyada,wasiirka duulista iyo hawada iyo wasiirka macdanta iyo biyaha markaan maalin 

Kastaba aan maqaalo ku weeraro miyaan lagaa dhadhansanayn inaad qabiil weerar tahay ama aad hadal aanay dhoocisho ku hadlin 

Aad ka dhigtid waxaad maqaal ku sheegtay ee ah M/WAYNUHU ABAAL LA,AANTA WUXUU KA SHABAHAA ADEERKII TIMIR DUCAALE,

Maqaal kaasi ma noqon karayaa maqaal aad xukuumadda ama m/wayne axmed maxamed maxamuud ku toosinaysid,qofka muslimka ah

Ee maskaxdiisu caafimaadka qabto,kuna dadaala allaah(swt) ka cabsigiisa,caabudidiisa waxyaalahaas afkiisa ma soo mariyo,caruurtuna 

Kuma hadasho waa ayaan darada ina haysa oo aynaan garanayn nidaamka,asluub,hab-dhaqanka iyo milgaha xukuumad ama wasiir 

Dhaliishiisa loo toosinkaro,qofkuna wuxuu maqaal caafimaad qaba qori karaa marka uu leeyahay saaxiibo wanaagsan oo caafimaad qaba

Oo wixii khalada la sixi kara balse markaan xukuumadda shaqo ka waayo aan sidii wax waalan u qoro maqaalo aan xikmad ku fadhiyin 

Waa nasiib daro iyo wuxuu qofku kaydsanayo oo beri ka maalin marka uu xil qabto loo soo badndhigi karo,dhalinyarada waxaan leeyahay

Mar labaad yaan meel lagaga dhicin halyeeyada taariikhda ku suntan ee wadanka u soo halgamay iyo kuwaan u soo halgaminba waa inaynu

Ka ilaalino wixii qofka sharaftiisa wax u dhimaya waana inaynu noqono ummad aqoontoodu korto kana fogaato xaasidnimada,qabyaaladda,

Nin jeclaysiga,iyo cunsuriyadda,maqaaladeenuna waa inay noqdaan kuwo caafimaad qaba oo xukuumadd iyo shacabba wixii dhaliishu 

Saarantahay lagu toosinayo.
 

 

Qalinkii;Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood. mobile;4109843 Hargeisa Somaliland REP.
 
   

********************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.