Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Maansadii Iswaydiin WT: Mahad Ahmed Dhoore


(Hadhwanaagnews) Thursday, October 25, 2012
Gabaygan iswaydiin waxa uu madaxayga kasoo maaxday xilli aan safar bas ku dhex marayay magaalada London waxa uu xambaarsanyahay

 

                                          25th Oct 2012

Gabaygan iswaydiin waxa uu madaxayga kasoo maaxday xilli aan safar bas ku dhex marayay magaalada London waxa uu xambaarsanyahay dareen si dhaba ugaga soo go?ay qalbigayga. Waxaan kasoo baxay gurigayga anoo ku safrayay baska dadwaynaha. Kadibna waxaan baska dhexdiisa kala kulmay qisada igu dhalisay maansadan.  Waxaa baskii ila soo fuulay afar qof oo Soomali ah oo marxalado kala duwan ku jira kaddibna waxaan

sawirantay marxalada guud ahaan Soomaalidu ku jirto gaar ahaana kuwa qurbaha. Afarta qof waxay kala ahaayeen sidan.

 
1.      Hooyo Soomaaliyeed oo wadata afar caruura oo malaha qiyaastaydii isku nuug wada ahaa, labo kamida waxay saaraayeen  pushchair(gaariga lagu riixo caruurta) halka labada kalana ay dacallada ku dhaganaayeen hooyada.
 
2.      Waxaa sidoo kale baska soo fuulay gabar Soomaaliyeed oo dhagaha xarigga Telfoonku ugu jiro kuna mashquulsan shaashadiisa isla markaana qabta wax aad moodo xuub caaro hase ahaatee ay dhar ahaan u qabto wallow wax u qarsoonaa ay yaraayeen.
 

3.      Waxaa asaguna baska dhinaciisa kasoo galay wiil Soomaaliyeed qiyaastayda da?da kaga jiray qaybta sare ee labaataneeyada(25-29). Wiilkaas waxa asagana ka muuqday dayacaad dhanka labiska ah surweelkiisa waxaad moodaa inuu ka dhacayay walow uu si ula kac ah dabada uga riday.

 
4.      Waxaa asaguna dhinaciisa baskii soo fuulay Aabe Soomaaliyeed oo marxalad intaba ka duwan ku jira waxuu ku jiray xaalad marqaan, daankaa qomboray,indhahaa tooshka ahaa caleemo cagaaran ayuuna sida qudraddii dalamsanayay waad dareemaysaa inuusan ugu yaraan dhowr habayn hurdo ladin.
 

Xaalada noocaasa markaan arkay waxay igu noqotay qaflad, waxaa ii sawirmay intoodaas oo hal guri kasoo wada toosay, dabadeedna quus ayaa ii soo baxay iyo guri ba?ayoow yaa kuleh. Iswaydiimo ayaa igu dhashay waxaan is iri waxan oo qarribaada iskama dhicine yaa masuul ka ahaa? Yaa doorkoodi gabay? Lama huraan waxaa ii noqotay inaan jawaab helo nasiib darose cid aan sheeko wadaag nahay baska ilama saarayn, la hubaayoo su?aalo waa ku beer goyn lahaa waxaa naftaydii ku qanciyay bal hadii illaahay igu hibeeyay inaan maanso samayn karo inaan dareenkaas la wadaago dadkayga. Halkaas ayaan ka bilaabay MAANSADA ISWAYDIIN. Aniga ayaa isu jawaabay waxaan iska dhigay laba qof.

 

Da?da gabaygiyo hiddaha

Daraandarin sheeko wacan

Waxaa daadihin yaqaan

Ruuxii u daacadoo

Dadkiisa waxii ku dhaca

Dalool kaga dhigo wadnaha

Asagana ay damaq ku yiin

 

Waxaa maanso dabi yaqaan

Danyste midaan ahayn

Nin door aan hadalka dadin

Waxii danta guud ku wacan

Daalacan barqankii ka dhiga.

 

Maantana waa door haldhaa

Iwaydii weeye dadan

Nin dooraan waxaan ku iri

Dalkeenoo nimcadu dhextaal

Durduurto sida wabiyadii

Daruufta na haysatiyo

Dulligan maxaa na baday

 

Nindoor waa jawaabayoo

Waxuu yiri daacadow

Dalkeenoo nimcadu dhex taal

Docwalbaba gaaxsantahay

Dawarsiga shisheeyihiyo

Duruuftan waxa na baday

Damiirkii aadmigiyo

Dadnimadaa inaga maqan.

 

Waxaan iri haldoorikiyow

Dadkii garashada qabiyo

Duubkiyo aqoonyahanki iyo

Doorkii hooyooyinkiyo

Da?yartii maxaa ku dhacay.

 

Waxuu yiri daacadow

Dadku isma wada surnee

Duubkii afar jeeble noqoy

Waxuu awal dayasho laa

Xaaraantuu hada dalamsadaa

Dookhii bulshadaba ka baxe

Daanyeer cidi kama taqaan.

 

Aqoonyahan waa dayuus

Dam?iga umaddiis ka bixi

Ayuu darajada sariyo

Dallacaad ku raadiyaa

Dalkaas wada gubanayana

Dan iyo daarad kamaba galo.

 

Hooyadii waa daalantahay

Doorkii aabahay kabtaa

Ayadu waa daahiroo

Danbiyo eed toona maleh.

 

Da?yartii waa waalantahay

Intooda dalkii ku nagi

Asaagood daar uu dhistiyo

Dhoofbaa maankii ka galay

Intoodii dibadda timid

Surweelkaa dabada mari

Asagoo fursadii dul naggi

Deel iyo daal makala yaqaan

Da?da asagoon yarayn

Ayuu dacayaha lulaa

Saqiirka ka dood xunyahay.

 

Waxaan iri haldoorkayow

Dadkii wada gaartayoo

Dooddii waadigaan shidoo

Wiilashii waadigaan duree

Aniguna aan yara didshee

Hablaha dibadaha ku badan

Diintii maxay uga tageen

Dhaqankii u dooriyeen?

Maxay cawradii dadnayn

Dibadaha usoo dhigeen?

 

Waxuu yiri horda daacadow

Dadkii qaybaa ka dhaqan

Kuwaa daa?im nuurshayoo

Diinteenii wada bartoo

Dushaa quraankii ka dhiga.

 

Hayeeshee dooda gar lehe

Diintii waxay uga tageen

Dhaqankii u dooriyeen

Waaridkaa doorkoodi gabay

Deegaankaan saacidayn

Waagii dalku noo nagaa

Daris iyo ehel baan lahayn

Da?yarta nala korin jiroo

Edabtooda door wayn kulaa.

 

Halkaan deeqow walaal

Daallin gaal daacuflaa

Daris iyo ehelba ahoo

Dantaadii qayb lagaaga xiray.

 

Waagii dalku noo nagaa

Xumaantaa daah lahayd

Inuu dadku kugu arkiyo

Docdaa la iska eegi jiray

Halkaan waa ka duwantahoo

Dariiqay ceebtu taal

Darbiyaday isku dhuuqayaan

Khaniiskaa door lahoo

Bulshada dacal wayn ka gala

Oo daruusta u dhiga ardada.

 

 

 

Hadaba ilmihii dowrkaas ku koray

Khaniisku waa ruux dulliya

Daa?imkiis ma yeelayaa?

 

Waxaan iri haldoorkiyow

Doodda adigaa watee

Soomaalida dibadaha ku dhaqan

Guurkaa dudadii ku adag

Furiinkaa daad wararacee

Bal ayana noo daadahee.

 

Waxuu yiri daacadow

Duddada guurkaan ku fudud

Waxbaan dareensanoo

Daruufuhu qayb bay ka yiin

Hayeeshee daacadow

Wiilashi daadihin lahaa

Masuuliyad ma dareensanoo

Ayagoo da?dii ka wayn

Bay hadana doon wada yihiin

Intooda dareensanee

Waliba damac guur ku jiro

Gabdhahaa dulufkaas badoo

In xaflad loo daadahshiyo

Kharashbay dacalka ugu xireen

 

Docda kale aan galee

Furiinkan daad wararacdaa

Hooyada diifaysanee

Dulmanee kaligeed ilmaha

Daalaadhaca kula jirtana

Raggaa darxumada badoo

Doorkii aabuhu lahaa

Ayuu barqankii dayacay

 

Qaadbuu daashyada ku cuni

Daamankuu kuuskuusayaa

Dulaankii noloshuu ka haray

Daa qoys uu daadahshee

Asagaa darbi jiif ku nool

 

Midkii aan daash ku jirin

Darxumo mowd ku dhawrahayn

Dantiisii uma qumee

Daalacan waagii baryaba

Dood aan hor u socod lahayn

Xabuub laga daadinayn

Unbuu dabadaas hayaa

Dangiigaa fadhi ku dirir

Darajadii eebbe siiyaybuu
Siidaayoo dacal ka maray

 

Waxaan iri haldoorkiyow

Adigaa daa?in eebahay

Maskax kugu duugayoo

Maansada noo dagal dhigee

Illeen caano daatay bari

Dabadoodaa la qaban jiree

Bulshada dawgee ku wacan

Dawada aan ka doonanaa

 

Waxuu yiri daacadow

Bulshada dawgii ku wacan

Dawada ay ugu jirtaa

Waa dalkoo la xasiliyo iyo

Reerkoo dib loo rariyo

Diintoo da?yarta la baro

Qaadkoo la dabar jariyo

Aabahoo doorkuu lahaa

Dib u xasuustoo haatan gala.

 

M. A. dhoore

Laga helo: jjmahad@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.