Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Maxaa ka qabsoomay buugii cagaaraa ee Kulmiye maxaanse qabsoomin Q 1aad by Ali jama


(Hadhwanaagnews) Thursday, October 25, 2012
Waxaan daaha ka rogayaa ama aan dul ka xaadinayaa ballantii kulmiye markii uu doonayey inuu hogaanka dalka qabto waxyaabihii

Bismilah . 


Waxaan daaha ka rogayaa ama aan dul ka xaadinayaa ballantii kulmiye markii uu doonayey inuu hogaanka dalka qabto waxyaabihii buugii cagaaraa ku qoraa ee uu bulshada u soo ban dhigay wixii ka qabsoomay
 
Soomaalida ayaa ku maahmaahda madal markhaati dhigo hadii doodaadu wax ka jiraan ama ay tahay waxaad ku doodaysaa wax wax ka jiraan , wixii aan buugaa ku qorayni inaga hadhan waa sida ugu fiican  ee doodeenu ku qurux badan tahay ama aan maanta kulmiye kula xisaabtami karo

Nasiib wanaag waxaa maanta i hor yaal ama qaar badan oo inaga mida hor yaal buugii cagaaraa oo ay qodob qodob u rogaynaan inagoo aan isha ka

lalinayn qaybo ka mida , wixii aan markhaati lahayni inaga hadhan , saddex xisbi ayaa maalintaa tartamayey nasiib daro labada xisbi ee kale barnaamujkooda oo qoraal ah bulashada umay soo ban dhigin  hase ahaatee afka wax badan ayay ka balan qaadayeen 
Laakiin kulmiye wuxuu dheeraa labadaa xusbi ee la tartamatet waa UCID IYO UDUBE  wuxuu isagu buugii cagaaran ku soo ban dhigay wuxuu bulshada u qabanayo way jireen wax badan oo uu kulmiye laftiisu afka ka lahaa laakiin waynagii nidhi  wixii aan markhaati lahayn hadhan ,waa laga yabaa waxyaabihii uu guusha ku helay inay ka mid tahay qoraalkaa ama buugaa cagaaraa, aan hadaba qoraalkayga ujeedadiisa u gonda dego anigoo qodob qodob u bayaaminaya

1.   Fariintii Guddoomiyaha  waa madaxweyne axmed siilaanyo oo markaa ahaa Guddoomiyaha xisbiga kulmiye ahna musharaxa xisbiga wuxuu yidhi
      Muwaadinita qaaliga ahow19 sano ayaa ka soo wareegtey markii aynu xoriyadeena qaaliga ah lasoo noqonay iyadoo dhiig badani ku daatay oo aynu noqonay dawlad madaxbanaan oo meel marisa himilada 
     dadkeena ooo ay hayd inaynu ku negaano horumar nabad gelyo barwaaqo anigoo xogogaalnimo u waramaya markaan ahay shaqsi ka mida ama ka soo qayb qaatay halgankii dheeraa ee aynu xornimadeena  kula soo noqonayney madaxbanaanideena qaaliga ah ayay aad ii damqaysaa milicsiga wax qabad la,aanteena hungana ka joogaan dadkeenu dadaalkii dheeraa ee ay soo galeen inay halkii ku haboonayd  ay gaadhaan, sideed sano ayuu maamulka madaxweyne rayaale talada wadanka hayey waxaan odhan karaa waa ay ku fashilantay inay la timaado wax horumar ah oo la taaban karo  walaalayaal  lama odhan karo dhibaatooyinka dhaqaale ee ee bulshadeenii la tiicaysaa wax cirka ka soo dhacay ee waxaynu odhan karaa waa maamulxumo run ahaantiina waa kuwo ka yimi maamul xumo iyo musuqmaasuq  baahey hadii aad i doorataana waxaan ballan idiinku qaadayaa inaan la imaado wax qabad run ah oo la taaban karo

2, Himilada xisbiga kulmiye wuxuu ka turjumayaa xaqiijinta himilooyinka hoos ku qoran


1,,, Xisbiga kulmiye wuxuu u hawl gelayaa xaqiijinta iyo taabo gelinta madaxbaaninada somalinad iyo ka mid noqoshada  ururada caalamiga ah iyadoo aynu nahay dawlad la aqoonsan yahay
     marka aynu si hufan qodobkaa isu dul taagno  weli ma fulin iyadoo wasaaradeena khaarajiga ay talaabooyin muhiima samaysay oo ay bedeshay ama furfurtay siyaasadeena aynu caalamka ku wajihi karayney    oo ay ka bilowdey cida wax inagaga xidhan yihiin ee dadkii iyo dalkii aynu wax wada lahayn iyo sidaynu u wada hadli lahayn taas oo aduunweynuhu inagu bogaadiyey welina wada hadalkii soconayo   ujeedadeeduna tahay  siday wixii inaga dhexeeyey u kala guran lahayn aduunkuna qornaqeena dhex uga noqon lahaa , waynu og nahay in wax badan oo ay dadaal sameeyeen xukuumadihii ka horeeyey mar kasta  jawaabta ina hor yaalaa ahaayeen Afrika iyo somaliya kasoo dhamaysta

2.. xisbiga kulmiye wuxuu hiigsanayaa inuu dalkan ka dhiso bulsho casri  oo ka xor ah faqriga iyo kelitalisnimada
   wixii qabsoomay iyadoo ay inoo damabayn doonaan  waxaa caqliga saliimka ahi ina tusayaa in kelitalisnimo  ay ka door biday xukuumadani talo wadaag taas oo ay markhaati u tahay marka arin yimaado wuxuuu madaxweynuhu caado u leeyahay inuu taladaa baahiyo oo golayaasha qaranka ururada bulshada  madaxdhaqameedka hay,adaha aan dawliga ahayn intaba yidhaahdo kasoo talo bixiya  waana sida ay aniga shaqsi ahaan iila muuqato waayo anigaa sidaa idhi waa keli talisnimo N0.1  maxa yeelay madaxweynuhu dalka kelidii ma leh na hogaami keliya ayaa lagu yidhi  laakiin talada shacabka ayaa la leh

3,,caddaalad iyo hayadaha garsoorka oo la toosiyo ,




lasoco Q2aad ,,,,ceebaala ma jiro kulmiyana waynu la xisaabtaynaa  wixii uu ku saxsan yahayna ilaahay hortii kala masuugu mayno wixii aan jirina siin mayno

Ali jama
Oslo

  


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.