Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Dadweynaha Reer Ceergaabo Oo Maanta Isu Soo Bax Ku Muujiyay Farxadda Munaasibadda Ciidul Odxa


(Hadhwanaagnews) Friday, October 26, 2012
Dadkan oo ay wajiyadooda ka muuqatay farxad aad u weyni ayaa waxa ay isugu soo baxeen fagaareyaasha lagu oogo salaaddaha ciida.

Hargeysa (HWN) Boqolaal ka mid ah dadweyaha ku dhaqan Magaaladda Ceergaabo ee Xaruntaa Gobolka Sanaag ayaa maanta si heer sare ah u oogay munaasibada Ciidul Odxa.

Dadkan oo ay wajiyadooda ka muuqatay farxad aad  u weyni ayaa waxa ay isugu soo baxeen fagaareyaasha lagu oogo salaaddaha ciida.
Dhanka kale waxaa si wayn loo adkeeyay amaanka goobta lagu tukanayo iyadoo ay goobta ku sugnaayeen ciidamada amaanka oo ku hareeraysnaa garoonka lagu tukanayo isla markaana baadhitaano iyo hawlgaloba ka


waday goobta ciida lagu tukanayo si ay u ilaaliyaan amaanka guud ahaan shacabka iyo masuuliyiinta ka soo qayb gashay munaasibada ciida.


Ugu danbayn waxaa markii la tukaday ka hadlay masuuliyiin tiro badan oo isugu jirta Culimo, maamulka dawlada iyo waxgaradkii ka soo qayb galay munaasibada ciida waxaana ay dhamaantood ugu hambalyeeyeen shacabwaynaha islaamka munaasibada ciida.

Masuuliyiinta gobolka Sanaag oo fagaareyaasha kala hadlayay dadweynaha Magaaladda Ceergaabo ayaa u sheegay in ay ilaashadaan nabadgalyaddooda isla markaana meel uga soo wada jeedsadaan wax kasta oo dhinac ka ah qaranimadda iyo jiritaanka Somaliland.


Weriye Farxaan M. Xidig
Tell: 4200447
Email: erigavo.som@gmail.com
Ciid Mubaarik
hadhwanaagnews.com
Ceerigaabo Somaliland


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.