Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Kooxo Dablay ah oo Tuulo Ku Taalo Degmada Hiiraan ee Soomaaliya Dil Toogasho ah Ugeysatay Sadex Ruux oo Rayid ah


(Hadhwanaagnews) Sunday, October 28, 2012
Muqdisho-(HWN)- Wararka ka imaanaya degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in kooxo dablay ah ay dil ka

Muqdisho-(HWN)- Wararka ka imaanaya degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in kooxo dablay ah ay dil ka geysteen tuulo lagu magacaabo Oomane oo ka tirsan isla gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya  in dilka dadkaan shacabka ah ay ka dambeysay qorshe la doonayo in dadka ku nool degmada Matabaan loogu dhex abuuro colaad iyo dagaalo beeleedyo hor  leh sida uu sheegayo gudoomiyaha degmada Matabaan.

Sida uu saxaafada u sheegay guddoomiyaha degmada Matabaan Maxamed Warsame Nuur

in kooxihii dilka ugeystay dadkaan rayidka ah ay baxsadeen balse uu daboolka ka qaaday in ay ku raad joogaan dhawaaana y soo qaban doonaan.

Maxamed Warsame Nuur waxaa uu sheegay in kooxaha dilka ka geystay degmadaan ay doonayaan in ay ka dhex abuuraan colaad iyo dagaalo hor leh inkastoo aanan la ogeyn cida rasmiga arintaani ugu dambeysa.

Ugu dambeyntii xaalada gobolka Hiiraan ayaa baryihii ugu dambeeyay waaxa uu ahaa mid si aad ah u dagan kadib markii kooxda Al shabaab laga sifeeyay inta badan degmooyinka ay ka kooban tahay gobolka Hiiraan.

Xasankuuriya

Hadhwanaagnews/Office Muqdisho

xasankuuriya@yahoo.com

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.