Hargeysa(HWN):-Xarunta Abuhurayra Center oo ku taala caasimada wadanka Canada ee Toronto ayaa deeq xoolo ah soo gaadhsiisay meelo ka mida goobaha ay ku nool yihiin dadka jilicsan ee ku dhaqan caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Deeqdan xoolaha oo loo qaybiyey dhawr xarumood oo kala duwan ayey tiradoodu dhamayd 296 Neef.
 |
| Deeqda Hilibka Ah Ee Lagu Wareejiyey Cusbitaalka Guud Ee Hargeysa |
Qaybinta deeqdan xoolaha ah oo ay goobjoog ka ahaayeen Siciid Cabdi Gaboobe oo
style="mso-spacerun: yes"> ka socday xafiiska samafalka madaxtooyada Somaliland iyo Cabdilaahi Cali Cilmi oo ka socday xarunta Abuhurayra Toronto oo iyadu deeqdan soo gaadhsiisay xarumaha kala duwan ee ay ku nool yihiin dadka jilicdasan, kuwaas oo u baahan in wax la taro.
 |
| Deeqda Hilibka Ah Ee Lagu Wareejiyey Jeelka Weyn Ee Hargeysa |
Xarunta Abuhurayra ayaa deeqdan xoolaha ah oo la soo qalay waxay xarumahaas ugu kala qaybisay sidan.
 |
| Deeqda Hilibka Ah Ee Lagu Wareejiyey Xarunta Agoomaha Hargeysa |
Ururka Miskiin Kalkaal oo ay ugu wareejiyeen Sheekh Aadan Siiro 450 Qoys.
Jimciyada Khayriga ah ee Al Raxma oo ay ku wareejiyeen 300 Qoys.
Xarunta Agoomaha Hargeysa oo ay ku wareejiyeen 30 Neef.
Ururka Macruuf Organization oo ay ku wareejiyeen 30 Neef
Jeelka Weyn ee Hargeysa 30 Neef iyo
Xaafadaha barakacayaasha ah oo lagu wareejiyey 100 Neef.
Cabdilaahi Cali Cilmi oo ka socday xarunta Abuhurayra ayaa masuuliyiinta goobahan ay maanta xoolaha u qaybiyeen ku wargelinayey inay la socon doonaan goobahan iyo waxyaalaha ay u baahan yihiin in wax lagala qabto.
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland.