Telefoonnada casriga ah ee luuqada qalaad lagu yidha Smartphones ayaa dhakhaatiir caalamiya sheegeen inay sababaaan cudurka hargab shimbireedka ee la yidha Flue, shubanka iyo indho xannuunka, iyagoo arrintaas ku sababeeyey in telefoonnada si fudud u qadaan bakteeriyada cudurradan ka dhashaan, sidaa darteedna si fudud ugu gudubta qofka isticmaala.
normal">Dhakhaatiirtan oo u dhalatay dalka Maraykanka waxay dadka uga digeen inay telefoonnada gacanta u dhaweeyaan dhegahooda, sankooda iyo afkooda si aan bakteeriyadaasi ugu gudbin.
Tijaabo ay ku midoobeen dhakhaatiiran ayey ku ogaadeen in telefoonnada tiknoolajiyada ah ay qadaan jeermisyo badan, kuwaasoo ka soo qaada meela la dhigo.
Sababta dhakhaatiirtu arrintan u soo saareen ayaa ah in moobiladu yihiin waxyaabaha ugu badan ee dadku meel kasta dhigaan, isla markaana la tegaan sariirtooda, meelahay ku cuntaynayaan iyo meel kasta oo ay ku nasanayaanba. Khubaradan oo ka tirsan xarunta baadhitaanka caafimaadada amma waxyaabaha cudurada dhaliya HML Lab of Muncie Ind., kuwaasoo sheegay in telefoonnadu gudbin karaan bacteeriyo tiradeedu dhan tahay 2,700 ilaa 4,200, taasoo ah nooca halista ah ee loo yaqaan Coliform Bacteria.