bismillah waaynagii qormadii hore oo bilow ahayd ku muujinay waxa ka qabsoomay ballantii kulmiye ama buugii cagaaraa waxyaabihii u hir galay iyo waxyaaba uhadhsan ee weli laga sugayo waxaan filayaa waxay inoo joogtey sida ay u
kala horeeyeen inagoo raacayna garsoorka iyo cadaalada inkastoo weli ay jiraan qabyooyin hadana isbedelo faro badan oo aan cidi dafiri karin inuu tijaabiyey madaxweynaha jamhuuriyada somaliland, waxaa garsoorka ama maxkamada sare soo maray dhawr arimood oo muran faro badan dhaliyey oo ay ugu horeysey murankii xisbiga ucid go,aankaa maxkamadu dadka badidiisu waxay u arkeen sida ay u dhacday si xaq ah , waxaa xigtey murankii isna buuqa badan dhaliyey ee xisbiga Udub oo isagana maxkamada lagu taageeray goaankii ay ka
gaadhey xaqiiq ahaan way badan yihiin muranada maxkamada sare galay laakiin waxaan soo qaaday waxyaabaha ugu fil roonaa marka halkaa laga shidaal qaato waxay u muuqataa in xaga caddaalada loo durkay,
Waxaa xigey oo buuggaa cagaaraa laga daalacan karaa ama xigta oo ah qodobka 4aad horumarinta shaqaalaha dawlada soomalida ayaa ku maahmaahda ilaahow aqoon yarii hanagu cadaabin eexna hanooga tegin shaqaalaha dawlada waxaa loo kordhiyey mushaharkii ay qaadanayeen oo ay xukuumadan kulmiye labanlaab uga dhigtay bilawgii markii ay awooda la wareegeenba taas oo ahayd wax aad u liidata markii hore, qofka bini aadamka ahana haddii aanu wax helin marka uu shaqeeyo ma ahaanayso shaqaduu qabtaa mid hagaagsan, waxaynu isla og nahay iskaba daa mushahar yaraane inaanay heliba jirin mushaahar wakhtiyo badan qofkana hadaan wax la siin markuu soo shaqeeyo waxaa dhici karta amaba dhacdaba inuu qofku aanu shaqaynba ama shaqada lafteedaba musuqmaasuqo, taana waxaa la odhan karaa wixii awoodoodu ahayd wax ka qabte inkastoo wasiirka maaliyadu sheegay in ay weli ku hamiyayaan in mar kale shaqaalaha loo kordhiyo mushaharka waxaa iyana soo raacda waxay xukuumadan hada jirtaa had iyo jeer qaadaa imtixaan ay ku qiimaynayso aqoontooda si qof waliba aqoontiisa wax loogu siiyo waana wax aduunka oo dhami isticmaalo,, way jiraan wax badan oo dhiman sida kontraag qofka laga seexo waxaan filayaa inanu jirin marka qofka la shaqaalaysiinayaa kontraagaas oo qofka lagu aaminayo waxaad arkaysaa qof shaqadii laga bedeley oo sirtii meesha ama hay,ada uu ka shaqaynayey jaraaidka ku soo qor qoraya taasina adduunka oo dhan waa wax xaaran ah denbina lagu mutaysto ilaahay idankii wax kasta ka shaqee koontaraaga lagaa saxeexayo waxaa ugu horaysa inaadan sirta meesha gudbin karin khalad iyo sax ee ay jiraan siyaabo kale oo loo maraa hadad wax sheegayso, wuxuu kulmiye ku tamayey ama arkayey maamul kasta oo xukuumadeed waxaa laf dhabar u ah guusha iyo guuldarada cudduda shaqaale ee uu leeyahay iyo tayayntiisa
q,5aad wuxuu dhigayaa buugii cagaaraa difaaca wadanka qodobkaas markaan is dul taago xukuumada iyo ciidamadeena qaranka iyo booloska hayadaha nabad sugida waa mid la odhan karo sidii ayay heegan u tahay siiba ciidamada qaranka ma dhicin meel xukuumadii hore xukuumadan hada jirta markay talada ku wareejinaysey ay gacanta ku haysey oo maanta dib looga qabsaday ama faraheena ka baxday waa laga yaabaa in sidii aynu doonayeney aanay noqon laakiin shaqadu waa mid socota waa hawlagalo iyo maarayn weli socota
Q.6aad wuxuu dhigayey isna horumarinta waxbarashada somaliland waxaa dalka ka jirey 400 oo dugsi hoose iyo laba boqol oo dugsi sare iyo macalimiin lagu qiyaasay 3000 oo macalin oo dugsiyadaas wax ka dhigi jirey caruurta dugsiyada hoose dhexe dhigta waxaa lagu qiyaasay 200.000 ilaa 250.000 caruurta somaliland ee dadoodu joogto xiligii waxbarashada waxaa lagu qiyaasay 34 boqolkiiba inay helaan wax barasho ama waalidiintoodu u awoodaan inay ka bixiyaan wax barashada waxaa la soo ogaadey in ubad badan aay waxbarashada kaga tagaan meel dhexe saboolnimo awgeed waxaa kale oo aynu ogeyn in macalimiintaa iyaga laftooda aan wax mushahar ah la siin waxay waalidiinta ka helaan mooyaane taa bedelkeeda kulmiye wuxuu macalimiintaa mushaharkoodii ka dhigay labanlaab halka dhamaan dugsiyadiina uu ka dhiga free
lasoco Q,3aad
Ali Jama
Oslo
calimahad02@hotmail.com
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga |
|
|