Dux baa laga helaayoo
Dambarkeeda gaaxda ah
Dumarkiyo carruurtiyo
Duqaydaa u aayoo
Da?yartaa ku naaxdoo
Erayadaasi waxa ay ka mid yihiin qormada maansada DUNI BILA oo aynu ku soo qaadanayno qormada shanaad ee taxanaha qoraallada Hidderaac, hawraarta iyo hilin-sooyaalka halabuurka
Siciid Maxamuud Gahayr. Waa jiiftadii kaalinta labaad ka gashay tartan-suugaaneedkii nabadda ee Somaliland lagu qabtay sannadkii 2009-ka.
Tixdan waxa abwaanku kaga waramayaa nabadda iyo qiimaheeda, waxa uu sidoo kale tilmaamayaa eedaadka iyo carcaraafka la waajaho xiliyada coladdeed, ugu dambaynna waxa uu shacbiga Somaliland ugu baaqayaa in ay ilaashadaan xasiloonnida waddanka, meelna ay uga soo wada jeedaan cidda hantaaqaysa ammaanka qaranka, Siciid waxa uu tixdan ku yidhi:
Duufaan wax xaaqiyo
Waa daad colaaduhu
Dabarjara insaankoo
Dumin