Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Shirweynihii 5aad Ee Golaha Dhexe Ee Xisbiga UCID Oo Lagu Ansixiyey Hogaanka Xisbiga Iyo Liiska Magacyada Hogaanka,DAAWO SAWIRADAN:


(Hadhwanaagnews) Sunday, October 28, 2012
(HWN):-Shirweynihii 5aad ee Golaha dhexe ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa maanta lagu ansixiyey hogaanka Xisbigaasi oo ka kooban Murrashaxa Madaxweynanimada UCID-da Cusub,kuxigeenkiisa, guddoomiye kuxigeenka 3aad iyo guddoomiye kuxigeenka Afraad iyo Xoghayaha

Hargeysa(HWN):-Shirweynihii 5aad ee Golaha dhexe ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa maanta lagu ansixiyey hogaanka Xisbigaasi oo ka kooban Murrashaxa Madaxweynanimada UCID-da Cusub,kuxigeenkiisa, guddoomiye kuxigeenka 3aad iyo guddoomiye kuxigeenka Afraad iyo Xoghayaha Xusbigaasi,kadib markii uu saaka uu si rasmiya uga furmay Huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa.

Shirweynahan waxa Murrashaxa Madaxweynanimada UCID-da cusub loo doortey Siyaasi Jamaal Cali Xuseen, Murrashaxa Madaxweynanimada UCID-da Cabdirashiid Xasan Mataan, Guddoomiye kuxigeenka Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey), Guddoomiye kuxigeenka 4aad waxa loo doortey Muxumed Maxamed,Xoghayaha Xisbiga Axmed Aadan Ismaaciil (Axmed-Keyse), Waxa kale oo Shirkaasi Golaha dhexe lagu

ansixiyey 251-ka xubnood ee guddida Golaha dhexe ka kooban tahay.

Waxa Shirweynahan ka soo qeybgalay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, 140-Golaha dhexe ah iyo ergey isaga kala timid Gobolada iyo degmooyinka Somaliland, taageerayaal iyo marti sharaf kale, waxa kale oo iyaguna mudan in la xuso xubno firfircoon oo ka yimid waddamada dibada, gaar ahaan waddanka Ingiriiska oo uu hogaaminayey ninka adduunka ugu dheer Maxamed Bisad iyo marti sharaf kale.

Shirweynahan oo ku soo gebogaboobay si nabad ah oo meeqaam sare ah, khudbadihii madasha laga jeediyey ayaanu dib ayaanu idinka soo jeedin doona

 

 
 
 
Mustafe -jannaale

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Email: janaale94@gmail.com

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.