Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


JEERMIS W/Q-Ceelaabe


(Hadhwanaagnews) Thursday, November 01, 2012
Waa in aad Markasta Faraxalataa,si aad cudur kasta uga badbaado,oo Maxaa Dhacaya haddii aan iska daayo in

Waa in aad Markasta Faraxalataa,si aad cudur kasta uga badbaado,oo Maxaa Dhacaya haddii aan iska daayo in aan Meydho Gacmaheyga.Ma nin Ayaa loo sheegaa soo faraxalo ama farahaaga soo dhaq.Maalinta Faraxalka Aduunka ee Hargeisa laga xuso Yaa loogu talo galey ee la barayaa Faraxalka.Miyaaney wax laga Xumaado aheyn in Wadankeena lagu qabto Maalinta Faraxalka  Aduunka inaga oo Ummad Muslin ah sheeganeyna.Waar waxaasi ka baxoo,Muran ha ka dhalin Nadaafada laguu sheegay,Gacani waa Miskiin waxna qaada,Meelkastana faraha la geli kartee.Miyaanad ogeyn in waxkasta oo gacanta lagu tabtaa is bedelo ama iyada wax ka soo raacaan.Aniga oo gacmaha meydhey Muxuu hadana cudur iyo xanuun iigu Dhacaa.kaasi waa Hawada aad qaadaneyso ama Deeganka kugu Xeeran oo

aan sixadiisu fiicneyn.Haddii aan gacmaha meydho laakiin waxaan cunayaa Uskag leeyahay bal ka waran Miyaanan xanuunkii mar kale halis ugu Jirin.Waar horta Nin weyni waa kii Faraxalane Maxaad uga Jeedaa Gacmaha ha la Meydho Markasta.

 

Waa Maxey Jeermisku?Maxaase laga qaadaa?Sideese looga hortagi karaa?Jeermiskuse Ma cadow aan la arkeynin baa? Waa Isku tag noole yar yar oo aan la arkeynin hase ahaate inagu sababa qaar badan oo ka mid ah xanuunada.Nadaafada iyo Maydhashada Gacmaha iyo ilaaalinta Deegaanka Ayaa lagaga badbaadaa Xanuuno ka dilaaca isla markaasina dhaliya Dhimashada dad badan.Tiro badan oo Saabuunaha gacanta lagu Meydho Ayaa la soo saarey Kuwaasi oo kuugu Diyaar ah Goobaha la iskugu yimaado ama wax lagu Cuno.Saanbunta Budada ah Ayaa ku Diyaar ah Iyaduna suuqa si loo Isticmaalo.

 

Isticmaalka saabunaha budada ah ama shaanbooga haddii aan markasta gacanta ku meydho ama aan dibnaha iska mariyo tide kulul ma laga yaabaa in aan xanuuno ka qaado,Miyaaney ii dhaamin in aan biyaha cad keliya isticmaalo.Haddii aan gacanteyda ku wado sanbuunta buddada ah ma laga yaabaa in aan uba  nuqlaado xanuunada qaarkood aan ka qaadey saanbuunaha iyo shaanbooga aan is marinaayo.Jeermis ka carar ayaan ahaa oo caafimaad ayaan doonaayey laakiin haddii gacmaheygii iyo dibnihii isticmaalka iyo meydhashada Tide ku xanuunsadeen oo aan iska daayo Biyaha cadi miyaaney Jeermiska iga reebeynin ama dili karin.Jeermiska laftiisu horta Marka qofku iska ilaaliyo iyo Marka aanu iska ilaalin Midkee Ayuu halis ugu Jiraa.Shakigu mararka waar wuxuu ku tusayaa wax aan Jirin ama awood badan laheyn.5mnt meydhasho gacmaha ah ma u taagnaan kartaa.Dadka qaarkood gacmaha wey qooyaan uun marka ay cuntada cunayaan.Gacanta lacagta ka timi,Gacanta Shaqada iyo Darawalnimada ka timi haddii aad cuntadii ku bilowdo Maxaa kugu dhici kara.Waxba,10kii sanno ee ugu danbeeyeyba sidaasi ayaad iska aheyd,Jeermiskaba adiga ayaa ka xoog weyn iskaga cun gacantaada sidey doonto ha noqotee.Haddii aan Maalintii 5 jeer meydho,Gacmahana aan 5mnt markasta meydho Miyaan shakisanahay,Ma jeermis ayaan ka cararayaa,Mise nin caafimaadkiisa ilaalinaaya Ayaan ahey.

 

ugu Yaraan 2mnt Ayuu taagnaa "Washing Basin" Gacmaha lagu Meydho Hudheel aan Maalin Dhaweyd Wax ka cunaayey,Dadkii oo dhan Ayaa isa soo Gaadhey oo Dadka qaarkood Ayaa Wejiga meydha,Timaha Biyo iska Mariya,Muraayadana aad iskugu Daawada ama Gacan culus,Qaarkoodna Gacanta wey yara qooyaan oo Qudha.

 

Dadka ku dhex Jira Qashinka ama Kudaafadahu waxba ma Noqdaan.Dadka dhinac seexda ama iska Dhex seexda goobaha ugu qashinka badan Qaarkood Ayaa adiga kaa xoog waaweyn ama kaa caafimaad qaba.Kuwa Jeermiskii la saaxiibey ee ay is weheshadaan waxba ma yeelo,Kuwa daaraha cadcad ku Jira Ayuu faro baas ku hayaa.Xashiishka Magaalada yaala intii hore wuu ka soo badanayaa,Meelo badan Foolxumo iyo Qashin Ayaa looga tagey.Dhul badan waxa bilicdii ka qaadey Baco iyo caagado weliba wada buuxa oo cabeysan.Dadkaana ka Masuul ah oo dugsanaya Jeermiska iyo Qashinka,Dadkaa dhigaya oo Dhulkan aan laheyn.Waxkasta waxa lala sugayaa Xildhibaanada Golaha Deegaanka,Waar raga Maxaa sugaya Arimo is dul raseysan.Xashiishka Dhinacaga ku sii uruuri,Waxa qaadi doona Xildhibaanka aad u codeysee.

 

Waxaan Dhinac Taagnaa Waddada Koonaheeda,Markii baabuurka Xashiishka qaadaa uu igu soo baxey.Wuxuu Qashin soo Hadhey iyo cuntooyinkii Hambada(Leftovers/Slaps) Ka qaadayey Hudheel Waddada Dhinaceed ah,Markii uu igu soo baxey Ayaan sankan Ka qabsadey Urta iyo Boodhka ka soo kacaayey.Hudheelkii Ayaa iska soo wada Saarey Dhamaan wixii uu Qashin hayey oo u badnaa Cuntooyin iyo Qashino kale.Niman xoog waa weyn oo Xashiishka Guridiisa  balo ku qaba oo boodhka  iyo waxa saaran aanad Maleyn karin Ayaa alaabtii baabuurkii Qashinka saaraya.Waxa iga Yaabisey markii aan arkey Labo ka mid ah oo Cunaaya Hilib iyo lafo ku dhex Jirey Qashinkii.Si fiican ayey ugu Quraacdeen,Bac Dhimatey iyo Weel lagu Hayey oo isku Qudhmey ayey kala soo Dhex baxeen.Ma Qajilayaan,Jeermis iyo Xanuuno kama Baqayaan,Urtii sanku koley wey ka dhimatey Xashiishkan awgii,Quraacda Bacda ku sii Diyaarka aheyd ayey Cuneen.Ma ku Xanuunsanaayo,Xoogiisa waad ka Yaabtaa.Kuma Cabudhayaan,Xiiq kama qaadayaan Siigada Qashinka,Hawada Jeermis xanuuno ku Ridaa uma raacayaan.Dhalinyarta Kudaafadaha wax ku dhex cuna ama cuntada la taga Waxba kuma Dhacayaan.Ragaasiba Jeermisku waxba ma Yeelo,Ragaasiba Ma dilee,Kuwa guryaha cadcad ku Jira ee la koolkoolinaayo Tolow Viruska iyo Bacteriadu maxey ka soo Doontaa.

 

Maalin Dhaweyd waxaan sawir ku arkey Nin reer Spain ah oo Bac Qashin kala soo Dhex baxey Cuntooyin ku dhex Jirey,Arintaasi oo lagu tilmaamey baahida iyo Dhaqaale xumida ka taagan wadankaasi meelo badan oo ka mi ah.Isku soo wada duub Sixada caafimaad ee Bulshada iyo Mida guud ee Deegaankuba in laga warhayo ama loo feejignaado Ayey mudan  yihiin.Dedaalada loogu Jiro uruurinta iyo Qaadida Qashinkuna halkey taagan tahay kor ha looga sii qaado.

  abdifataah mahamed ahmed
 

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.