Maxkamada Baxrayn Oo Xadhig U Jartay Dad Lagu Eedeeyay In Boqorka Dalkaas Twitter-ka Ay Ka Caayeen
(Hadhwanaagnews) Thursday, November 01, 2012
Manama, (HWN/AFP):- Maxkamada danbiyada ee dalka Baxrayn ayaa markii ugu horaysay maanta xukun u jartay dad la sheegay in
Manama, (HWN/AFP):- Maxkamada danbiyada ee dalka Baxrayn ayaa markii ugu horaysay maanta xukun u jartay dad la sheegay in boqorka dalkaas ay ka caayeen, shabakada xidhiidhka bulshada ee Twitter, waxaana sida wakaalada wararka Faransiiska ee (AFP) ku warantay ay maxkamadu min lix bilood oo xadhig ku xukuntay laba qof oo lagu helay caydaas internet-ka ah.
Dhinaca kale Maxkamada ayaa sheegtay in sadex qof oo kale iyagana ay diyaarisay eedahooda, loona dib dhigay xukunkooda bilaha soo socda ee sanadka inagu soo foolka leh, iyo bishan aynu ku
jirno shanteeda, waxyaabaha loo xukumayo dadkan ayaa ah in ay boqorka ka aflagaadeeyeen shabakada Twitterka.
Garyaqaanada Difaacaya eedaysanayaashan ayaa ku dooday in wakiiladoodu beeniyeen eedaha loo soo jeedinayo, sidaa daraadeed ay maxkamaddu ku deg degtay xukunkooda, sida ay ku doodayaana dacwadaas la marin habaabiyay.
Maxkamada danbiyada ee dalka Baxrayn iyo garsoorayaasha maamula ayaa sheegay in bishii tagtay, qaybta la dagaalanka danbiyada internetku ay ku soo war gelisay shan dacwdood oo la xidhiidha danbiyo iyo aflaagdooyin loo gaystay boqorka dalkaas, sidaa awgeedna ay diyaariyeen shan dacwadood oo ka dhan ah afar nin iyo gabadh, kuwaas oo kii ugu horeeyay maanta la xukumay.
Dalka Baxrayn waxa sanadkii u danbeeyay ka taagnaa qul qulatooyin u dhexeeya kooxaha shiicada ah ee dalkaas u badan iyo boqortooyda dalkaas oo ka soo jeeda Mad-habta suniga ah, hasa yeeshee waxa kacdoonkaas xoog ku baabiiyay ciidamada Sucuudiga oo xoog ku soo galay dalkaas, taalaabo gacan bir ahna ku qabtay mucaaridkii ku kacsanaa dawlada.
Faysal Maxamed Xasan
Hadhwanaag/Office Hargeysa Somaliland