Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Magacu Habar Jecle ma Aha e, waa Habar Toljecle - (Toljecle)


(Hadhwanaagnews) Thursday, November 01, 2012
Waxa kale oo aan ognahay, in buug kasta ama qoraal kasta oo taariikhda beelahan aan kor ku xussay wax lagaga qoray, in labadeer qaab ee aan kor ku sheegay midkood, magacyadooda loogu daabacay; oo loogu diiwaan-galiyay.

Habar Awal, waxa loogu yeedhaa: Awal
Habar Garxajis, waxa loogu yeehdaa: Garxajis
Habar Toljecle, waxa loogu yeedhaa: Toljecle

Waxa kale oo aan ognahay, in buug kasta ama qoraal kasta oo taariikhda beelahan aan kor ku xussay wax lagaga qoray, in labadeer qaab ee aan kor ku sheegay midkood, magacyadooda loogu daabacay; oo loogu diiwaan-galiyay.


Narrow´,´sans-serif´; FONT-SIZE: 14pt; mso-bidi-font-family: ´Times New Roman´; mso-ansi-language: EN-US; mso-bidi-font-weight: bold" lang=EN-US>Haddaba, waxa taariikhda beesha Habar Toljecle (Toljecle) ee qoran ka mid ah:

Kow:-
b) Diiwaankan  lagu ururiyay magacyada qabaa?ilka Afrika, ayaa lagu sheegay inuu magaca beeshu uu yahay: Habar Toljecle; oo marka magaceeda la soo gaabiyana lagu sheegay: Toljecle.

 t) Gabay uu Dirir Warsame  (Habar Toljecle) uu qarnigii 19aad uu tiriyay, ayay ku jirtey:

Toljecluhu ninkii maag is yidhi, waa muslimiyaaye
Mijahaa Isaaq siman yahee, muruq u roonaaye

Laba:
b) Qoraalkan ku lambaraysan (IOR/R/20/A/3601) ee ku taariikhaysan (1933), ayuu Xaaji Faarax Oomaar uu ku diiwaan-gashan-yahay: Habar Toljecle  - Xasan Daahir.

t) Qoraalkan ku taariikhaysan (1st June, 195 3), ayaa isagana beesha  Caaqil Jaama Maxamuud  lagu sheegay: Habar Toljecle.

j) Buuggan ku taariikhaysan qarnigii 19aad, waxa ku qoran  Mohammed Jibril oo ah: Habar Toljecle  -  Muuse Abokor.

x) Taariikhda qoran ee Somaliland, ee uu buuggan (Official history of the operations in Somaliland, 1909-04) uu ka midka yahay, oo iyaguna beelaha Somaliland si mug leh u kala qaad-qaadaya, ayaa iyaguna dhammaantood inoo xaqiijinaya inuu magaca beeshani uu yahay Habar Toljecle.

Kh) Doorashadii Somaliland ka dhacday (Feb.1960) ee baarlamaanka, ayaa iyaduna ka marag ah inuu magaca beesha u diiwaan-gashanaa, ee ay doorashada ku gashayi, uu Habar Toljecle yahay. Eeg shaxda 6aad ee bogga (545),

d) Dhammaan shir beeleedyadii dib-u-heshiisiinta ee beelaha Bari ee Somaliland, ee 1992kii ilaa 1993kii, waxa beeshu ay kaga qayb gashay: magaca Habar Toljecle.

 

Suldaan Cabdillaahi Cali, ayaa shirkii Ceerigaabo beesha uga qayb-galay, waxa-na u qoran: Habar Toljecle (Gar-adag).

 

 

Saddex:
Beesha Habar Toljecle (Toljecle), haddii aad intooda Bari iyo intooda Galbeed aad abtirsiintooda isbarbar dhigtid, waxa kaaga soo baxaysa, shax isbuuxinaysa, oo dhammaystiran.

 

Tusaale:

 

Habar Toljecle (Toljecle Bari)

Habar Toljecle (Toljecle Galbeed)

Cabdalleh Nuux

Fiqi Nuux

Reer Yeesif

Reer Yuusuf

Yoonis Aadan (Madoobe)

Wacays Aadan (Madoobe)

Ugaadh Aadan (Madoobe)

Muuse Abokor

Samane Abokor

??????..

Cumar Abokor

Cigaal Abokor

 

 

Ugu ma danbayn:


Beesha Habar Toljecle (Toljecle), oo iyadu ah beel wayn, oo deegaankeedu uu baaxad wayn-yahay, oo min Sanaag ilaa Gabilay, min Saaxil ilaa Kililka Shanaad uu deegaankeedu uu yahay, ayaa madax-dhaqameedkeeda, aqoon-yahankeeda iyo wax-garadkeedaba  uga baahan in ay u kacaan, oo ay mideeyaan.

Beeshan badideeda iyo baaxaddeeda, waa tii la yidhi: ?Toljecle (Habar Toljecle) daruurtii da?daba, wuu ka cabbaa!? 

Maxamed Sheekh Daahir

sheekhdaahir@yahoo.com


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.