Hargeysa(HWN):-urur siyaasadeedka Dalsan ayaa maanta soo bandhigay cududa taageerayaashiisa uu ku leeyahay gobolada iyo degmooyinka dalka.
Fagaaraha beerta xoriyada ee magaalada Hargeysa ayaa saaka kulmiyey kumanaan ka mida taageerayaasha urur siyaasadeedka Dalsan, kuwaas oo muujinayey taageerada ay u hayaan urur siyaasadeedka Dalsan.
Musharaxiinta urur siyaasadeedka Dalsan uga sharaxan caasimada Hargeysa iyo hogaanka sare ee ururkaas ayaa khudbado dhinacyo badan taabanaya u jeediyey taageerayaasha urur siyaasadeedka Dalsan ee
iskugu yimid xarunta beerta xoriyada ee magaalada Hargeysa.
Musharaxiinta urur siyaasadeedka Dalsan uga tartamaya caasimada Hargeysa oo qaar ka mid ay saaka ka hadleen fagaaraha beerta xoriyada ee magaalada Hargeysa ayaa waxay sheegeen inay waxyaalo badan ka qaban doonaan adeegyada bulshada ee u baahan in wax laga qabto.
Musharaxiintani waxay ka codsadeen taageerayaashii iskugu soo baxay fagaaraha beerta xoriyada ee magaalada Hargeysa inay codkooda siiyaan si ay wax uga qabtaan adeegyada bulshada ee inta badan ay dawlada hoose gacanta ku hayso.
Ugu danbayntii waxa fagaaraha beerta xoriyada ee magaalada Hargeysa ka hadlay gudoomiyaha urur siyaasadeedka Dalsan Ismaaciil Aadan Cismaan waxaanu u mahad celiyey taageerayasha ururka ee iskugu soo baxay fagaaraha beerta xoriyada ee magaalada Hargeysa, isaga oo tilmaamay In ururka Dalsan yahay mid mucaarid ah oo mucaaridnimadiisa wax ku dhisaya, isaga oo dadweynaha Somaliland-na kula dardaarmay inay ixtiraamaan ciidamada amaanka.
? dadka Somaliland waxaan leeyahay wax qabadkooda garawsada ciidamada amaanka iyo kuwa qaranka ee heeganka u ah ilaalinta amniga qaranka, shacabka Somaliland-na waxaan kula dardaarmayaa inay ogaadaan guud ahaan ciidanka Somaliland waxtarkiisa.?ayuu yidhi Ismaaciil Aadan Cismaan Gudoomiyaha ururka Dalsan.
Sidoo kale Gudoomiyaha ururka Dalsan Ismaaciil Aadan Cismaan waxa kale oo uu ka hadlay waxqabadka ay muujin doonaan musharaxiinta ururka Dalsan hadii ay ku soo baxaan doorashada golaha deegaanka ? ururka dalsan waxa uu u taagan yahay nabad galyada qaranka, waxaanan umada ugu shaqayn doonaa si nabad galyo ah, waxaanan ku xigsiin doona sidii aanu dalka barwaaqo u gaadhsiin lahayn
Cashuurta dadka danyarta ah laga qaado ayey wax ugu qaban doonaan iyaga oo xashishka magaalooyinka tuulan wax kaga qabtaan, waxaanay kaga shaqayn doonaan horu marka dalka guud ahaantiisaba, waxaanay horu mar ka samayn doonaan adeegyada bulshada ee u baahan in wax laga qabto.?
Ismaaciil Aadan Cismaan gudoomiyaha urur siyaasadeedka Dalsan oo la hadlaya xukuumada madaxweyne Siilaanyo ayaa yidhi ?Waxaanu leenahay xukuumadan hada joogta wixii umadu idinku soo dooratay ilaahay haydin garansiiyo, wixii idinka qaldana ilaahay haydiin toosiyo, dadku wixii ay idiin soo doorteene noqda qaar wax ka qabta.?
Tartanka ololaha doorashada golaha deegaanka ayaa maanta galay maalintiisii afaraad, iyada oo si weyn loo dareemayo tartanka baaxada leh ee ka dhaxeeya ururada iyo xisbiyada Somaliland eek u hirdamaya doorashada golaha deegaanka ee dalka ka qabsoomi doonta bisha danbe.?
Cabdirisaaq Good Nuur
Hadhwanaagnews/Office
Hargeysa/Somaliland
Goud423@gmail.com