Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Musharax C/Raxmaan Abdeeq Muxumed oo Xaafada Isha-Boorama Ee Magaalada Hargeysa Ka Furtay Xafiisyo Cusub.


(Hadhwanaagnews) Thursday, November 01, 2012
Hargeysa(HWN):- Xildhibaan Axmed Maxamed Maxamuud (Obsiiye) Oo Ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland Ayaa Maanta Xadhiga Ka Jaray Xafiisyo Cusub Oo Uu Musharax Eng.C/Raxmaan Abdeeq Muxumed

Hargeysa(HWN):- Xildhibaan Axmed Maxamed Maxamuud (Obsiiye) Oo Ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland Ayaa Maanta Xadhiga Ka Jaray Xafiisyo  Cusub Oo Uu Musharax Eng.C/Raxmaan Abdeeq Muxumed Oo Ka Mida Musharixiinta Xisbiga Kulmiye Uga Tartamaysa Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa Ka Hirgeliyey Xaafada Isha-Boorama Ee Magaalada Hargeysa.

Munaasibadaasi Xadhiga Laga Jarayay Xafiiskayadaasi  Cusub Ayaa Ugu Horaynba Waxaa Hadal Dheer Kasoo Jeediyay Xildhibaan Axmed Maxamed Maxamuud Obsiiye Isaga Oo Ku Dheeraaday Waxqabadkii Uu Xisbiga Kulmiye Qabtay Mudadii Labada Sanadood Ahayd Ee Uu Talada Dalka Hayay Waxaana Hadalkiisii Kamid Ahaa ? Hadii Imika Sadex Ana Afar

Guulood Oo Is Barkan Oo Maanta Munaasibadan Ku Saabsan Hadaanu Sheegno Ninkastoo Wax-Garada Oo Xaqa Doonayaa Wuu Garanayaa Kulmiye Wuxuu Qabtay, 1- Markaad Fiiriso Waxa Weeye Maanta Kulmiye Isagoo Laba Sanadood Hayay Xukunka Ayuu Golaha Deegaanka Ee Uu Balan Qaaday Inuu Qabto Uu Qabtay Waa Guushii Koowaad, Taasina Waxay Tilmaamaysaa Waxqabadkiisii Koowaad Oo Ah Golaha Deegaanka Inuu Qabtay Kuna Xigsiiyo Golayaasha Kale Ee Qaranka Inuu Doorasho U Qabto Waa Wax Muujinaya Inuu Kaga Dhabeeyay Wixii Balan Qaada Ee Uu Sameeyay, 2- Guusha Labaad Ee Uu Kulmiye Keenay Ee Xukuumadiisu Ay Balan Qaaday Markii Ololaha Madaxtooyada Uu Ku Jiray Waxa Kamida In Dhalinyarada Kaalin Laxaad Leh Laga Siiyo Oo Waliba Golayaasha Qarankuna Ay Ka Qayb Galaan Sidii Da,Da Musharaxa Hoos Loogu Dhigi Lahaa, Taasna Wuu Ku Guulaystoo 25-Jir Ayaa Maanta Ka Qayb Galaya Doorashada Deegaanka Ee Maanta, 3- Guusha Sadexaad Ee Muhiimka Ahi Waxay Tahay Warbaahinta Somaliland Maanta Waxa Kusoo Kordhay Idaacad Aduunkoo Dhan Gaadhaysa Oo Xukuumadihii Hore Ilayn Wax Walba Qiyaas Bay Leeyihiine Waxaanu Isku Qiyaasaynaa Xukuumadii Hore Waxay Qaban Wayday 10 Sanadood Iyaa Maanta Kulmiye Laba Sanadood Ku Qabtay Oo A Ka Mid Tahay Idaacadaa Meel Walba Laga Dhagaysanayo? Ayuu Yidhi Xildhibaan Axmed Maxamed Maxamuud Obsiiye.

Sidoo Kale Waxaa Isaguna Munaasibadaasi Hadal Kooban Kasoo Jeediyay Musharax C/Raxmaan Abdeeq Muxumed Oo Isaguna Sheegay In in  Uu Ilaahay Ku Guuleeyo Hamigiisa Uu Caasimada Hargeysa Ka Dhigi Doono Caasimad La Tar-Tanta Caasimadaha Caalamka Waxaana Hadalkiisii Kamid Ah ?Odhan Mayno Maanta Caasimadaha Calamka Waynu Gaadhaynaa Laakiin Hadii Aynu Hadaf Ka Dhigano Waynu Gaadhaynaa 2012-Ka Wixii Ka Dambeeya  sanadka 2013 ka Hargeysi Waxay Noqon Doontaa Caasimad La Tar-Tanta Caasimadaha Caalamka, Dee Qolooyinkan Imika Isasoo Sharaxayna Maaha Kuwo Usoo Shaqo Tagay Meesha Yacnihii Dadku Waxay Idhaahdaan Dhulba Ma Hadhin Laakiin Waxaan Leenahay Waar Dhul Wuu Hadhee Fikir Cusub Ayaa Loo Baahanyahay? Ayuu Yidhi Musharax C/Raxmaan Abdeeq Muxumed.

Eng. C/raxman Abdeeq ayaa ah Guddomiyaha Hormuudka Kuliyada Injineerinka ee Jamacada Golis isaga oo Aqoon dheerna u leh Dhinca Ingineerinka, isaga oo wax badan ka qabandoona dhincayada Adegyada Bulshada Somaliland, tabanayso gaar ahaan dadweynaha reer HargeysaHargeysa.

Hadhwanaagnews.com

Contact@hadhwanaagnews.com


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.