Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Musharax Mukhtaar Sheekh Axmed Oo Ka Sharaxan Ururka Dalsan Oo Ay Taageerayaashiisu Wacdaro Ka Dhigeen Fagaaraha Beerta Xoriyada Ee Magaalada Hargeysa.


(Hadhwanaagnews) Thursday, November 01, 2012
Hargeysa(HWN):-musharax Mukhtaar Sheekh Maxamed Cabdilaahi oo ka mida musharaxiinta urur siyaasadeedka Dalsan uga sharaxan caasimada Hargeysa ayey taageerayashiisu si weyn uga dhex muuqdeen ololaha doorashada golaha deegaanka ee ururka Dalsan

Hargeysa(HWN):-musharax Mukhtaar Sheekh Maxamed Cabdilaahi oo ka mida musharaxiinta urur siyaasadeedka Dalsan uga sharaxan caasimada Hargeysa ayey taageerayashiisu si weyn uga dhex muuqdeen ololaha doorashada golaha deegaanka ee ururka Dalsan.

Musharax Mukhtaar Sheekh Maxamed Cabdilaahi oo la hadlay taageerayaashiisa ayaa waxa si weyn uga mahad celiyey sida ay u muujiyeen taageerada ay u hayaan, isaga oo ka codsaday inay codkooda siiyaan si uu uga mid noqdo xildhibaanada golaha deegaanka ee caasimada.

Musharax Mukhtaar

Maxamed Cabdilaahi waxa uu sheegay inuu waxyaalo badan ka qaban doono adeegyada bulshada ee u baahan in la horu mariyo, kuwaas oo uu xusay inuu dedaal dheeraada u gali doono.

Musharax Mukhtaar Sheekh Maxamed oo la hadlaya  taageerayashiisa ayaa  waxa uu yidhi ? marka hore waxaan idiinka mahad celinayaa sida aad u muujiseen taagerada aad ii haysaan iyo ta ururka Dalsan-ba.

Waxaan balan qaadayaa in hadii aad I doorataan aan wax badan ka qaban doono adeegyada bulshada ee u baahan in horu mar la gaadhsiiyo, walaalayaal waxa lagama maarmaan ah inaad codkiina  siisaan musharaxiinta ururka Dalsan oo ah musharaxiin dhalinyaro ah oo wax badan qaban doona,?ayuu yidhi musharax Mukhtaar Sheekh Axmed.

Musharaxan ayaa maanta dhoola tus balaadhan ay taageerayaashiisu ku soo bandhigeen fagaaraha beerta xoriyada ee magaalada Hargeysa, iyada oo uu maanta ololaha doorashada golaha deegaankana uu u lahaa ururka uu ka sharaxan yahay ee Dalsan.

 

Hadhwanaagnews.com.


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.