Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Maamulka Dekadda Berbera oo Qalab Cusub Ku Soo Kordhiyay Kaasi Loogu Adeegsado Maraakiibta Konteenarada ship ka ah+ Sawiro


(Hadhwanaagnews) Friday, November 02, 2012
Berbera-(HWN)-Dekada wayn ee magaalada Berbera ayaa mudooyinkii danbe ku hawlanayd dibu qalabaynta dekada berbera waxaana waqtigan

Berbera-(HWN)-Dekada wayn ee magaalada Berbera ayaa mudooyinkii  danbe ku hawlanayd dibu qalabaynta dekada berbera waxaana waqtigan usoo degay oo markabkii siday kusoo xidhay dekada filtar  cusub oo ah nooca konteenarada xambaara ,kana dejiya mraakiibta kuna rara faaruqooda marka laga guro wixii lagu soo xafidasida caadiga ahna alaabada ugu badan ee berbera ka degtaa waqtigan waxa ay ku timaadaa maraakiibta waa wayn ee loo yaqann konteenar ship,waxaaanad moodaa in ay ganacsatadu ka door bideen xafidaada  oo aanay waxna qoyayan waxna burburayn.

Hadaba arinkaa

laajigii ayaa maamulka Dekada Berbera aad ugu dadaaleen in ay u agab samystaan maraakiibta konteenar ship ka ah ,una soo iibsadaan liftarada ugu casrisan ee loogu adeego maraakiibtaa conteenar ship ka ah.

Bil kahor ayuun bay ahayd markii qalab u badan wiishash wax lagu rogo iyo liftaro aay dekadu soo iibsatay,

Hadaba lifter tan casriga ah ayaa tankeedu yahay 45tan  waxaanay siwayn u fududayn doontaa hawlaha dekada ka socda oo kor u kacday xiligan oo lagu jiro badfurankii  shaqada dekaduna socoto 24saacadoodba,

Lixdii bilood ee u danbeeyay ayaa maamulka Dekada Berbera kusoo kardhiyay qalab aad muhiim ugu ah dekada ,sida labo lifter oo qiimo badan ku kacay oo sida uu sheegay mareeye ku xigeenku aan qiimaheedu ka yarayn shan boqol oo kun oo doolar [500,000$]  iyo labo wiish iyo waliba gaadhi dabdamis ah oo siway wax uga taray dabkii maalintii dhawayd ka kacay kaydkii shidaalka e warshada laydhka berbera, gaadhigaas oo heegan ku jira 24saacadoodba,

Marreye ku xigeenka dekada berbera cumar abokor jaamac ayaa carabka ku dhuftay in tiro kale oo qalab ahi jidka ku soo jiraan ,waxaanu yidhi dekadu waa goob shaqo sidaa laajigeed waxa qorshaha noogu jirta in aan aanay dhicin baahi qalab mustaqbalka dhaw,

 

Wariye Yaasiun Jaamac Cali

Hadhwanaagnews/Office Berbera

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.