Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Hargeysa:Hey´ad Ka Shaqeysa Dimuqraadiyada oo Baaq Ka Soo Saartay Xalinta Khilaaafadka Doorashooyinka Ka Dhex Aloosan


(Hadhwanaagnews) Wednesday, December 05, 2012
Xukuumada somaliland waxaan halkan uga soo jeedinaynaa inay ogaato in mucaarid iyo muxaadba dadku iyadu masuul ka tahay isla markaan ay tahay xukuumad

Ku: Xukuumada iyo goleyaasha Qaranka

 Ku:Ururada Siyaasad iyo Asxaabta Qaranka
mso-fareast-font-family: ?Times New Roman?; mso-ansi-language: NO-BOK; mso-fareast-language: NO-BOK" lang=NO-BOK>

 Ku:Gudida Doorashooyinka Qaran

 

Ku:Dhamaan Musharaxiinta u Sharan Doorashada Golayaasha Deegan J/Sland

 Ku:Dhamaan Shacab Weynaha Somaliland

 

Ujeedo : Baaq xalinta khilaafaadka doorashooyinka iyo nabadgelyada

 

 

?Waxaan Gudidiyada diiwan gelinta iyo doorashooyinka, xisbiyada iyo musharaxiintaba uga digaynaa inay xidhiidhka ka dhexeeya gudida doorashooyinku, xisbiyadu iyo musharixiinta uu ahaado mid dadban oo warbaahinta la isku mariyo ee xidhiidhku waa inuu ahaado mid toos ah oo u dhaxeeya dhinacyada ay khusayso isagoo gaarsiisan heer xisbi iyo musharax ah iyadoo la raacayo qorshaha xalinta cabashooyinka?

 

Xukuumada Somaliland:-  Xukuumada somaliland waxaan halkan uga soo jeedinaynaa inay ogaato in mucaarid iyo muxaadba dadku iyadu masuul ka tahay isla markaan ay tahay xukuumad lasoo doortay oo matasha dhamaan shacbiga oo dhan hadii ay tahay muxaafid iyo mucaaridba. Waxaan  dhiirigelinaynaa  inay fariimaha warbaahinta la isku marinayo lagu bedelo wada hadal toos ah oo dhex mara dhamaan dadka dhaliilaya. Waxaa kale oo muhiim ah inay dhegaysato cabashooyin hadii ay kasoo yeeraan dadka hadha ama xisbiyada hadha oo ay si toos ah kulano gar bixin ah oo xaalka lagu qaboojinayo ay u qabato xisbiyada hadha maadama marxalada lagu jiro ay tahay marxalad tartamayaashu aanay u bislaan ilaalinta danta qaranka.

 

Shacabweynaha Waxaan ugu Baaqaya in ay ilaaliyaan Nabadgalyada una codeeyaan Si Xilkasnimo Leh dadak ay dooranayaan. Qofkastaa oo Muwaadin ahba waxa uu Xaq u leeyahay Hal Cod inuu Siiyo Qofka uu u Doorbidayo. Isla markaan aanay ku taageerin musharaxiinta ay taageersan yihiin si nabad gelyada guud wax yeeli karta, iyagoo danta guud ka hor marinaya danta qof uu nasiibku soo sari waayay .

 

Dhamaan Musharaxiin u Tartamaya Doorashada Golayaash Deegaan ee Dalka Jamhuuriyada Somaliland iney ku Guubaabiyaan Taageerayaashooda inay u codeeyeen si nabad galyo ah hadaba ilaaliyaana Shuruucda Dalka Hanaanka Geedi Socodka Dorashooyinka kuna Kolsonaadaan Dhatijada Codbixinta Doorashada. Waxaan musharaxiinta ugu baaqaynaa hadii ay cabasho qabaan ay heer xisbi u maraan iyagoo iska ilaalinaya in ay warbaahinta u adeegsada inay muujiyaan cabashooyinkooda, islamar ahaanta hadii laga fursan waayo ay nidaamka garsoorka u maraan cabashooyinka.

 

Ururada Siyaasda iyo Xisbiyada Qaranka ee Ku Meelgaadhka ah in ay waxwalba ka hormariyaan Danta Qaranka ku Dhaqmaan Shurucda Dalka u Degsan Kuna Qancaan Natiijada Doorashada. Waxaan dhamaan ururada tartamaya iyo musharaxiintaba uga digaynaa inay xidhiidhka ka dhexeeya iyaga iyo gudida diiwan gelinta iyo doorshadu uu ahaado mid warbaahinta la isku mariyo ee xidhiidhku u ahaado mid toos ah oo heer xisbi iyo musharax ah iyadoo la raacayo qorshaha xalinta cabashooyinka.

 

Xisbi xaakimka Kulmiye:- Waxaan ku baraarujinaynaa in wadanka loo doortay dowlad taasoo masuul ka wada ah shacbiga guud ahaaneed mucaarid iyo muxaadba. Xisbigu waa inaanu ka jawaabin ama aanu ka hadlin dhamaan fariimaha ama doodaha kuwajahan gudidiyada doorashada iyo diiwangelinta ama xukuumada taasoo keeni karta hadii uu ka jawaabo hurinta khilaafka iyo isla ficiltanka xisbiyada dhexdooda ah. Wixi kulmiye si gooni ah loogu eedeeyo kama hadlayso fariintani, taasi waa arin xisbi, laakiin fariintani waxay ku aadan tahay xidhiidhka ka dhaxeeya xisbiyada ama musharaxiinta iyo dowlada iyo  xisbiyada iyo koomishanada diiwan gelinta iyo doorashada.

 

Gudida Doorashooyinka iyo diiwaan gelinta:-Waxaan ugu Baaqayaa in ay saaran tahay Culus Mas,uuliyeed  Lagana sugaayo Garsoor ku Dhisan Cadaalad iyo Xaqsoor Siman Gacantiina ay ku jirto Masiirkii Umada Jawi Hufan oo Kalsooni leh ku wadaan Mudada lagu Jiro tirint Cod iyo  ku dhawaaqida Natiijada Cod Bixin Doorasha una Gutaan Xilka iyo Waajibaad Qaran ee Saraan una gutaan si Mug Leh  waafaqsan Dastuurka iyo Dhamaan Xeerka Dalka Qanciyaana Cid kasta oo Qabto Cabasho ka feegjignaadaan wax kasta wiiqi kara kolsoonida lagu qabo.

 

Waxaa muhiim ah in guddida diiwangelinta iyo doorashooyinka ay sameeyaan  qorshe heer Qaran ah Si ay ugu xaliyaan  cabashooyinka ay qabaan  musharixiintaiyo Ururada Siyaasada, taasoo keeni karta in laga maarmo muranada yar yar iyo cabashooyinka aan waaweyn inuu lagu xalinyo heer gudida aan dhaafsiinayn. Waxaan Gudidiyada diiwan gelinta iyo doorashooyinka uga digaynaa inay xidhiidhka ka dhexeeya iyaga iyo musharixiinta uu ahaado mid warbaahinta la isku mariyo ee xidhiidhku u ahaado mid toos ah oo heer xisbi iyo musharax ah iyadoo la raacayo qorshaha xalinta cabashooyinka.

 

 

Hadaba Sida Aynu Ogsoonahay 28/11/2012  in ay Dalka Gibi ahaantiisa ay ka Dhacdey  Dooorashooyin Golayasha Deegan ee Jamhuuriyada Somaliland Kana Soo Bixii Doonaan Mudanayaasha Golayaash Deeganka iyo Sedex Xisbi Qaran uu yeelan Doono Jamhuuriyada Somaaliland.

 

Sidaa Daraadeed Waxaanu Baaq u Direynaa Dhamaan Shacabweynaha ,Dhamaan Musharaxiinta Golayaasha Deegan, Ururada Siyaasada iyo Xisbiyada Kumeel Gaar Ah ee Qaranka iyo Gudida Doorashooyinka Qaranka ee Jamhuuriyada Somaliland iyo Xukuumadaba iyo Waxgaradka iyo Madax Dhaqmeedka iyo Culumadaba iyo laga hor tago waxa alaale wixii ka hor imanaya Danta Qaranka kana shaqeeyaan in aanu abuurmin Qilaaf Siyaaseed oo Ma jara Habaabiya Ujeedooyinkii iyo Himilada Qaran ka ee Laga Lahaa Doorashooyin Golaayaasha Deegan iyo Hormarinta hanaanka Dumquraadiyed iyo Xasiloonida iyo Nabad Galyada Dalka Laguna Wado Dhaqmo Loona wada Maro Waxa alaale Wixi Cabasho Ah Dastuurka iyo Sharuucda Dalka u Degsan Lagana Fogaado in ay noqoto Saxaafada  Wada Loa marayo  Xalinta Cabashooyin .

 

Mohamed Abdillahi Hassan

Executive Director Of

 

Charity for Rehabilitation Research and Development (CRRD)

Telephone: 56067 Mobil: - 4422822/4850070

Main office Hargeisa, Somaliland

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.