Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Wasiirka Ciyaaraha Somaliland Oo Maanta Gudoomay Qalab Loogu Tala Galay Garsoorayaasha Dhex Dhexaadin Doona Ciyaaraha Gobolada Dalka.


(Hadhwanaagnews) Wednesday, December 05, 2012
Hargeysa(HWN):-wasiirka dhaqanka,ciyaaraha iyo dhalinyarada Somaliland Cali Siciid Raygal ayaa maanta gudoomay qalab dhinaca ciyaaraha ah oo loogu tala galay garsoorayaasha Somaliland.

Hargeysa(HWN):-wasiirka dhaqanka,ciyaaraha  iyo dhalinyarada Somaliland Cali  Siciid Raygal ayaa maanta gudoomay  qalab dhinaca ciyaaraha ah oo loogu tala galay garsoorayaasha Somaliland.

Wasiirka dhaqanka,ciyaaraha iyo dhalinyarada Somaliland oo maanta qalabkan kula wareegay xarunta wasaaradiisa ayaa waxa soo gaadhsiiyey muwaadiniin reer Somaliland ah oo ku sugan wadanka Ingiriiska.

Agaasimaha guud ee wasaarada dhaqanka,ciyaaraha iyo dhalinyarada Somaliland Mustafe Maxamuud Qodax  oo ugu horayn ka hadlay ayaa sheegay inay aad ugu mahad 

naqayaan muwaadiiniinta soo gaadhsiiyey qalaban loogu tala galay  garsoorayaasha Somaliland ee dhex dhexaadin doona tartanka ciyaaraha gobolada ee  dhawaan ka dhici doona caasimada Hargeysa waxaanu  yidhi ?waxa maanta wasaarada lagu wareejinayaa alaab wax ku ool ah taas oo ay soo direen muwaadiniinta reer Somaliland ee Cabdicasiis Cali iyo  Jaamac Axmed olol oo ah dhalinyaro reer Somaliland ah oo ku sugan wadanka Ingiriiska, tiradoodu waxay tahay 100-150 dirays ah kuwaas oo wada gaadhi doona dhamaan garsoorayaasha Somaliland ee ku kala sugan gobolada  dalka.?

Sidoo kale  Cumar oo wakiil ka ahaa muwaadiniinta reer Somaliland ee qalabkan soo gaadhsiiyey wasaarada dhaqanka,dhalinyarada  iyo ciyaaraha ayaa sheegay inay  muwaadiniintani goob joog ka ahaayeen ciyaarihii hore ee gobolada  kuwaas oo arkayduruufaha ku gadaaman garsoorayaasha dhex dhexaadinayey ciyaaraha iyaga ooh ore u balan qaaday inay  wax ka qaban doonaan baahiyaha garsoorka haday tahay dhinaca qalabka iyo dhinaca aqoonta.

Ugu danbayntii wasiirka dhalinyarada,dhaqanka iyo  ciyaaraha Somaliland   Cali Siciid Raygal oo ka hadlay qalabkan loogu tala galay garsoorayaasha Somaliland ayaa sheegay inay tahay deeqdiii ugu balaadhnayd ee la soo gaadhsiiyo garsoorayasha Somaliland,waxaanu tilmaamay inay wax badan ka tari doonta baahiyaha garsoorayaasha ? waxaanu mahad  naqayaa una soo dhawaynayaa muwaadiniinta Somaliland  ee alaabtan na soo gaadhsiiyey, taariikhdana way noo gali doonaan cid kasta oo wax tarta wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha  waayo  waxaynu u shaqaynaynaa waa dhalinyaradeena,waana markii ugu horaysay ee alaab intaa leeg  la soo gaadhsiiyo  wasaarada dhaqanka,ciyaaraha iyo  dhalinyarada waxaanay ku soo beegantay  wakhti aad loogu  baahan yahay oo ay  soo dhaw yihiin ciyaaraha gobolada ee dalku.?ayuu yidhi wasiirka dhalinyarada dhaqanka iyo ciyaaruhu.

Cabdirisaaq Good Nuur

Hadhwanaagnews/Office

Hargeysa/Somaliland

Goud423@gmail.com


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.