Gabiley(HWN)-Ku dhawaaqistii Natiijada Codbixinta Doorashada Golayaasha Deegaanka ee Gobolka Gabiley oo la filayay in Shaley lagu dhawaaqo ayaa, mar kale hadana saaka dib u dhacdey kadib markii aanay ilaa iyo hada Xubnaha Komishanka Gobolka Gabiley soo saarin Natiijadii rasmiga aheyd ee Codbixinta Degmada Gabiley.
Qeybo badan oo kamid ah Dadweynihii Taageerayaasha Murashaxiinta Ururada iyo Xisbiyada ku tartamey Doorashadaasi ayaa habeenkii sadexaad xaley ku bariistey Kadinka hore ee Komishanka Doorashooyinka Gabiley, kadib markii ay daahdey ku dhawaaqista Natiijadu, Waxaana saaka subaxdii hore isa soo hor tubey Xarunta Komishanka Gabiley