Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Berbera Waxa Ka Dhacay Maalintii Codaynta Doorashada in Waraaqihii Codayntu Dhamaadeen Goobaha Qaar shicibkii oo kuyuuga ku jira duhurnimadii maalintaa iyo rasaastii goobaha Codaynta Ka Bilaabantay--- Caaqil Cabdi Maxamed Cigaal


(Hadhwanaagnews) Wednesday, December 05, 2012
Kadib doorashadii golayaasha degaanka ee ka dhacday guud ahaanba Somaliland ayaa si

Kadib doorashadii golayaasha degaanka ee ka dhacday guud ahaanba Somaliland ayaa si nabadgalyo ah ku dhacday,hadaba markii lagu dhawaaqy natiijooyinkii degmada berbera ayaa cabasho kala duwani kazoo yeedhaysay qaar kamida xildhibaanada sharaxnaa qaarkood inkastoo wakiiladii xisbiyada iyo ururadu aay goobjoog ka ahaayeen markii lagu dhawaaqay natiijada,  sidii kuraasta look ala helay iyo magacaabistii xildhibaanadii ku guulaystay kuraasida 21 ka ah ee berbera, laakiin waxa istaahil ah wixii cabasho ah iyo qalaad dhacay in la iska qanciyo

Hadaba aniga oo ah caaqil cabdi maxamed cigaal 

[cabdi hadoodil] kana soo jeeda saldanada caaqilnimo ee ugu dada wayn gobolka saaxil  waxa aan doonayaa in aan ka hadlo sidii doorashadu uga dhacday g/saaxil khaasatan berbera oo aan goobjoog ka ahaa,waxaana dhacday in subaxii hore abaaro 7dii la furay goobaha codbixinta dadkii codaynayayna aay kayuuga galeen 5tii subaxnimo halkaa waxay ahayd in 6dii la furo goobaha codbixinta waayo waa xeb dadkuna cadceeda ma xamili karaynin,sisakastaba ha ahaatee  waxa shacbiga codaynayay kaga darnaa rasaasta aay iska furayeen ciidanka booliska oo maatida iyo haweenka iyo dhalinyarada dhawr iyo toban jirka ah u badnaa aan ukala aabo yeelin dhamaan goobaha codbixinta berbera ,

Falalkaasi argagaxa shcabka galiyay waxa sameeyay bilayska  oo aan xataa gudhooda kala amar qaadanaynin waxaana hada qaarkood dhaawiicii aay gaysteen lug loo jarayaa nin dhalinyarao ah oo magaciisu yahay Jaamac cismaan cali maxamed [biindhe] sidoo kalena waxa isna cisbitaalka berbera ku jira cismaan aadan cigaal oo dhaawc ah isna,

Waxyaabaha kale ee aan masuuliyad daro ku tilmaamayo xaga xafiiska komishinka aberbera ah waxaa ka mida  waraaqihii codaynta oo dhamaaday goobaha qaarkood xili maalintu kala badhtahay ,waxaana kamid ahaa goobta xerada guutada oo aanu anagoo iugu jirna cuqaal iyo salaadiin dadkii la hadalnay kuna qancinay in aay nabadgalyada ilaaliyaan ,

Waxa iyaguna kamid ahaa goobaha laga waayay waraaqha codbixinta goobta 26juun iyo iskuulka cajab,

Waxaas qalada danbigooda waxa leh xafiiska komishinka berbera oo aan shaqdiisii kazoo bixin ,waayo dadka berbera kalabadh ayuunbaa codeeyay , waxaana sbabay labo shay oo kala ahaa waraaqihii oola waayay dadkii ootuban kayuuga iyo rsaastii bilaysku iska ridayay oo shicibkii codaynayay aay baqeeen guryahoodiina ku noqdeen badhkood,

Waxaan leeyahay anigoo ah caaqil cabdi maxamed cigaal kana soo jeeda saldanada caaqil ee ugu dawayn gobolka saaxil , reer saaxil cidka jecel Somaliland nimada ma jirto laakiin xukuumada  waxa u warama  inta aan samaha saaxil iyo Somaliland ba aan jeclayn,sideedaba hadii xukuumadi qalad gashana  waa qalad loo sheegay uun buu ku dhacaa arinkaasi,

 

Isku soo duuboo reer saaxil waxay leeyihiin dulqaad  ,dawlad jaceyl, amni ilaalin, iyo magaca Somaliland oo aay kor u qaadaan

Waxaanan leeyahay dawlada maahmaahda tidhaahda ,REER GUURA RAAC IYO CARUUR WAALOO KALA WARAMAA .Ee halaga feejignaado wixii  qaladana hala saxo

--Dhamaad---

Caaqil Cabdi Maxamed Cigaal

 

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.