Melbourne, Australia: (HWN) Waxa dhawaan magaalada Hargeisa ee caasimada Jamhuuriyada Somaliland ku geeriyooday marxuum Ismaaciil Cabdilaahi Ducaale waxaana halkan tacsi tiiraanyo leh ka diraaya dhamaan ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum Ismaaciil Cabdilaahi Ducaale oo dhawaan ku geeriyootay wadanka Somaliland. Waxaan ilaahay uga baryaynaa marxuumkaas in uu raxmaanku geeyo janatul Fardowsa dhamaan ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxayna uu dhamaantood samir iyo iimaan ka wada siiyo. Waxaana halkan si gaar ah aan tacsi u
dirayaa dhamaan qoyska iyo caruurta uu dhalay marxuumku in ilaahay samir iyo iiman ka siiyo geeridaas naxdinta leh ee ku timid aabahood.
Waxaana tacsidan diraaya dadkan hoos ku xusan oo kala ah:
Hooyo Amina Xaashi Ciise, Amal Ismaciil Afgaab iyo Mohamuud Ibrahim Carablow (China), Reer Ismaaciil Afgaab iyo guud ahaa Reer Afgaab oo dhan oo kala Jooga Somaliland, Australia, UK, Denmark, Canada, Malaysia iyo Al-ein (UAE), iyo Ehelka oo dhan, geerida Aabbe Ismaciil Cabdilaahi Ducaale (Ismaciil Afgaab) -AHN oo ku geeriyooday Magaalada HARGEYSA (Somaliland)..
Waxa iyaguna halkan tacsi ka diraaya waa Sir Mahamud Cumar Cabdi, Fuaad Cumar Cabdi iyo Sharmake Yuusuf Nuuryey ( Balishire)
Ilaahay marxuumkaas samir iyo iimaan haynaga wada siiyo, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxayna dhamaanteen Samir iyo Iimaan haynaga wada siiyo. Aamiin yaa Rabi.
Sharmake Yuusuf Nuuryey (BALISHIRE)
Hadhwanaagnews/Office
Melbourne/Australia.
WAKIILKA SHABAKADA WARARKA EE CAALAMIGA AH EE HADHWANAAGNEWS.COM EE AUSTRALIA AND THE PACIFIC REGION.
Email: balishire@live.com.au