ee hadhwaaagnews.com oo maanta fursad ii siisay inaan halka dhambaal hambalyo ah u diro taageerayaashada kala duwan ee ku nool daafaha caalamka waxaanan sidoo kale halka hambalyo uga gudbinayaa dhamaan mujtamaca reer Somaliland sidii qiimaha iyo fir fircoonida lahayd ee ay uga qayb qaateen doorashadii golaha degaanka iyagoo ku codeeyay si amni iyo xushmadi ku dheehan tahay
Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan dhalinyarada xildhibaankoodii ahay oo aan ku shaqeeyo mabda?a dhalinyarada iyadoo aan halka kuwii I doortay iyo kuwii aan I dooranba aan maanta xildhibaan ugu ahay oo si isku wada mida ugu wada adeego
S. xildhibaan waxaad ahayd xildhibaankii labaad ee ugu codka badnaa degmada ceerigaabo isla markaana waxaad tahay xildhibaanka ugu da?da yar xildhibaanada golaha degaanka ee la doortay qaab noocee ah ayaad ku kasbatay inaad guud ahaan hantido codka dhalinyarada degmada ceerigaabo?
J. runtii dhalinyarada reer ceerigaabo waxay codkoodii maskaxdoodii iyo maalkoodiiba isula kay garab taageen sidii aan uga mid noqon lahaa iyadoo layga soo codeeyay guud ahaan goobihii sanaaduuqda la dhigay intooda badan waxana ay taasi ka turjumaysaa inay maanta dhalinyaradu garatay masiirkooda, waxaana arinkaa kaga jawaabayaa inaan dhalinyaradii I dooratay iyo tii aan I dooranba u adeego oo xaqoodii u sooo dhiciyo
Waxaan xooga saarayaa sidii aan shaqo abuuris ugu samayn lahaa dhalinyarada , waxaan balan qadayaa inaan sameeyo fursado shaqo abuuris dhalinyarada ah, waxaan balan qaadayaa inaan mideeeyo hadafka dhalinyarada, waxaan balan qaadayaa inaan si fir fircoon uga shaqeeyo arimaha dhalinyarada gobolka halku dhigayguna waa NAFTA WAAN U HURAYAA HORUUMARINTA DHALINYARADA anigoo markaa soo dhowaynaya aadna u danaynaya cid kasta oo khibrad u leh arimaha shaqo abuurista oo aan ugu baaqayo inay maskaxdooda nagu kaalmeeyaan sidii aan dhalinyarada dhibta uga saari lahayn
s. Xildhibaan Maxaa kaaga qorshaysan inaad wax kaga qabato belwedaha dhalinyarada aafeeyay?
J. runtii wax walba oo caqabad ah oo jiraa waxbay salka ku hayaan arinka belweduna waa aafo qaran oo maanta waxsoosaarkeenii iyo horuumarkeeniiba jeex la degtay, waxaan xooga saari doonaa inaan dhalinyarada u samayno xirfado shaqo iyo shaqo abuuris waxaana xooga saari doonaa sidii aanu hadafkooda koowaad u noqon inay qayilaan balse aanu u horseedo wado kudaysho mudan oo ay dhalinyaradu higsadaan mustaqbal cad si ay u noqdaan kuwo dalkooda, dadkooda iyo diintoodaba anfaca
S. ma jirtaa inaad u sharaxan tahay jagada mayirnimada degmada ceerigaabo?
Haa dabcan waxaanan isu soo taagay oo golaha degaanka isugu soo sharaxay waa xilka maayirnimada, waxaa marag ma doonto ah waqtigii ololaha lagu jiray waxaan soo bandhigay sawiro iyo himilooyin ka turjumaya waxqabadka aan doonayo inaan ku horuumariyo degmada ceerigaabo waxaanan doonayaa inaan ceerigaabo ka dhigo magaalada ugu quruxda badan Somaliland waxaana iga go?an hadii la ii doorto mayirka inaan hirgeliyo anigoo saaxiibadayda kale ee ku soo baxayna aan rajaynayo inay codka igu siin doonaan inaan wada bilawno bar bilaw horuumarineed oo aanu ku daryeelayno bulshadayada
s. waxaa jira dilal soo noq noqonaya gudaha magaalada ceerigaabo waxaana ay saamaynayaan dhalinyaradii kuwa wax dilayaa waa dhalinyaro, kuwa la bartilmaameedsanayaa waa dhalinyara waxaana jira dhalinyaro badan oo aqoonyahano ahaa ay haatan magalada uga carareen arimo la xidhiidha falal amaan darro iyo aano godob maxaa kaaga qorshaysan inaad wax kaga qabato?
J. Runtii dilalkan soo noq noqanayaa waxay saamayn ku yeesheen dhalinyarada wax walbana waxaa ay salka ku hayaan waxyaabo kale, marka hore waxaan xooga saaraynaa bal inaan daraasad ka samayno sababta keenaysa dilalkan iyo sida ay dhalinyarada saamaynta ugu yeelanayso iyo wixii lagaga hortegi lahaa Tan kale waxaa nasiib daro ah in inta badan ay askartii amaanka ilaalinaysay laftigoodu falalkan geystaan waxaan baaq u dirayaa jananka ciidamada booliska oo aan leeyahay inuu arintan wax ka qabto oo askartii shacabka amaankooda sugi lahayd aanay shacabkoodii kalsooni daro ku ridin oo askarigu wuxuu ahaa astaan nabadeed oo lagu soo caro ee aanu noqon mid laga cararo
Qadartan dhacdayna waxaan uga hawl galaynaa sida ugu fiican anigoo labada dhinacba ugu baaqaya inay ilaaliyaan nabad gelyada oo ay qolada wax laga dilayna ilaaliyaan nabad gelyahada halka qolada kale ee uu gacan ku dhiigluhu ka dhashaynay ay si deg deg ah u soo qabtaan ninkii
falkan gaystay
Waxaan kale oo baaq adag u dirayaa dhamaan waxgaradka iyo xukuumadaba inay si adag uga hawl galaan sidii loo soo qaban lahaa oo ay falalka noocan oo kale ahna meel layska wada taago oo loo hawl galo sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa
Waxaan leeyahay dagaal wiil baa ku dhinta ee wiil kuma dhasho, waxaan leeyahay wixii umusha u dan ah ayaa ilmahana u dan ah walaalayaal aan nabada ilaalino oo aan ka fogaano wax walba oo xasilooni daro inagu keeni kara, walaalayaal nabada inagaa ku nool dhamaanteena waa inoo wada dan waxaana mar labaad iyo mar saddexaadba ku cel celinayaa inaan si adag uga hawl gallo arinkan hadii aanu dhalinyarada nahayna doorkayga waan ka qayb qaadan doonaa weliba kaalin muuqata
Qaybtii kowaad ee waraysigii Xildhibaan Maxamuud Warsame Jaamac
Lasoco qaybta labaad
weriye Farxaan M. xidig
Xafiiska wararka hadhwanaagnews.com
Tell: 4200447
email: erigavo.som@gmail.com
Ceerigaabo Somaliland