iyo ujeedka uu munasibaddan u qabtay.
Guddomiyaha urukaasi R3 Aadan Cabdi Ibraahin ayaa ka xog warrmay sabibihii ku kellifay in ururkan ay ka hirgeliyaan dalka finland iyo waxyaabaha ay sida tooska ah uga shaqeeyaan.
Guddoomiyuhu wuxu sheegay in ururkan ay dhidibada u taageen 2003 islamarkaasna ay u aasaaseen duruufo wakhtigaasi ay kala kulmeen qurbaha gaar ahaan waddanka finland, wuxu kalo xusay in taageerada ugu badan ay u fidiyaan dhalinyarada,gaar ahaan bahda sportska, wuxu masulkani carabka ku dhuftay in ururku uu ahdaaf badan iyo qorshayaal badan oo kale leeyahan islamarkaasna uu mar walba ku dadalayo sidi qorshayaasha ururkan intooda badan ay u hirgelin lahaayeen, Dhinaca kale wuxu guddoomiyuhu sheegay inay burco xafiis ka furteen wakiil na ay uga noqon doonaan ururkooda magaalada Burco.
Tababaraha Kooxda STAR FOOTBALL, Maxmed Cabdi Guuleed ayaa isaguna soo dhoweyey ururkan cusub , sheegayna inay wakiil u noqondoonaan hawlaha ururku qabto oo dhanna uga fulin doonaan gobolka togdheern , ciyaaraha ugu meteli doonaan ururka kuna ciyaari doonaan magaca ururkan.
Cali Xaji Faarax iyo Macalin C/laahi Muse Ciise oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa uga mahadceliyey masuliyiinta ururka R3 mucaawamad ay u fidiyeen madarasaddan oo la yidhaa AL HUDA, waxay sheegeen in madarasaddani tahay mid ay bilaash dadka xaafada ay malcaamadani ku taalo deggeni ku dhigtaan, isla markaasna mar walba u baahan mucaawamo iyo taakulayn khayri ah.
Gebogabadi waxa guddomiyaha ururka R3 uu masuliyadda xafiiska ururka iyo boodhkiiba ku wareejiyey Kabtankii Kooxda cayaartoyda ah ee wakiilka u noqonaysa ururka, waxa kale oo u ku wareejiyey Kubado, garamaan iyo qalab kale oo ciyaareed, intaas kadibna wuxu mucawamadii uu malcaamadda ugu talo galay ku wareejiyey maamulkii iyo macalimintii malcaamadaasi, waana markii ugu horeysay ee Ururka R3 uu mucaawano noocan soogaadhsiiyo gobolkan togdheer.