Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Ma Laga Yaabaa In Qaranimadda Somaliland Ay Ku Burburto Gacanta Axmed Siilaanyo Iyo Komishanka Doorashooyinka Ee Isaga Ka Amar Qaata


(Hadhwanaagnews) Wednesday, December 05, 2012
DHARAARBAA IMAN DOONTA HADAAN EEBAY CAYMIN AFKU UU HADAL DAAYO.

Adduunyaddu waa hadhkaa labaddiisa gelin ee hirba hir daba socdo, shalay waxaa dhacay waxay dhaxal iyo taariikh joogta u noqotaa timaaddada iyo hadba amminta la joogo. Bini?aadmigana tarankiisa iyo heerka maanta uu nolosha ka taagan yahay waxaa ku suntan taariikh halgan iyo mid tartan leh oo kula jiray nolosha, sooyaalkaa isdaba taxan wuxuu sawir muuqda inaga tusaya halka maanta aynu marayno iyo hirarka isdaba yaal ee inoo muuqda. Haddaba hayaanka dheer ee dadku u soo maray hanashada iyo ka midha dhalinta aayahooda waxaa ku xardhan oo baal dahaba kaga jira hogaamiyeyaal u guntaday hanka umaddooda iyadoo dhinaca kalena ay jiraan kuwo taariikhda kaga suntan baal madow.



= o ns = "urn:schemas-microsoft-com:office:office" />

Somaliland waa dal curdin ah oo maanta labaatan jirsaday soona maray heerar kala duwan oo nololeed, ma jiro wadan adduunka maanta sagxadda ka xiga xag dhaqaale iyo nolol ahaaneedba. Xukumaddihii soo maray haddaynu dib u yara halacsano inagga oo maanta ka halbeeg qaadanaynaa heerka waxqabad ee dowladdeena maanta joogta waxaa si aan shaki ku jirin inoogu muuqanaya in mid walba oo ka horeysay ay u ahayd tiir adag midnimada iyo qarannimada Jamhuuriyada Somaliland.

Dal ahaan Somaliland wuxuu koobsaday deegaan aad u balaadhan oo teedsan ilaa degmada Saylac iyo darafka bari ee dalka oo maanta ciiddamada qaranka Somaliland cududdooda militeri gaadhay taas oo ah degmada Xudun, ma aha halka ugu kooneysa ama xadka Somaliland ee gobolada Bari balse waa ilaa ma halka dhul ahaan ugu shisheeysa ee maanta xukunkeenu gaadhay.

Waxaa cajiib ah oo indhaha beesha caalamka iyo dalalka aynu jaarka nahay soo jiitay dooroshooyinka isdaba taxan ee had iyo goor ka qabsooma waddankeena, kana markhaati kacaya bisaylka dimuqraadiyadeed ee aynu gaadhnay. Aalaba waa doorashadii shanaad ee ka dhacda dalkeena, tan deegaankuna waxay kaga duwan tahay doorashooyinkii hore ee dhacay, waa tartanka xisbiyada/ururada oo weji cusub ku soo kordhiyey siyaasada Somaliland, iyadoo xaqiiqatana noqotay mid loo wada riyaaqay isbedelka cusub ee ay soo kordhiyeen tartanka asxaabtu/ururadu.

Waxaase ciyaarta ama tartanka asxaabta/ururada ee doorashadatan sii qurux badneeysiyey waa innaga oo maanta ku aragnay golaha siyaasada, beelaha darafyada Somaliland oo mansab siyaasadeed ku dhex yeeshay doorashadan iyagoo oo doonaya inay qaybtooda ka qaataan hogaanka ugu sareeya dalka, runtiina ay tahay arrin ay waa hore innaga mudnaayeen balse imika waqtigeedi yimi. Haa waa dhab in ay ka maqnaayeen siyaasada Somaliland muddo ku siman inta aynu jirnay.

Haa waxaa tartanka doorashada ee ilaa heer degmo dhadhanka u yeelay waxaynu markii u horeysay Somaliland aragnay doorosho ka dhacda oo gaadhay ilaa ma bari halka ugu kooneysa  oo sanaaduuqda codbixintu noqdeen kuwo gaadhay halkii loogu talogakalay. Laakiin sida ilo xogagaal ahi tibaaxayaan waxaa markii u horeysay la arkay in xukummada hada joogta oo ahayd dhowaan uun markii ay war murtiyeed ay soo saareen ku sheegtay in muddadii labada sano ahayd ee ay talada hayeen qabteen boqolkiiba todobaatan 70% barnaamijkoodi siyaasadeed, balse dadku ku baraarugay doorashadii ugu horeysay ee ay qabtaan oo noqotay mid dhalisay buuq iyo shaki badan, kadib markii xisbul xaakimka laga soo sheegay in uu sameeyey wax musumaasuq,isdaba marin ba?an iyo ku shubo cad oo badheedha ah!

Somaliland maanta waxay taagan tahay heer ay ka waantoodo in qolo kaliyi sheegato xaq umadadeed, haddii kale hayaankii dheera ee aynu soo galnay ayaa wuxuu noqonaya hal bacaad lagu lisay. Dal ahaan maanta waxaynu ka soo doogney dakharo sokeeye iyo kuwo shisheeye, halka inoo muuqata ee tooshka aynu ku haynaana waa ka midha dhalinta midnimida iyo sugidda xuduudihii waagii gumeysigu inoo jideeyey ee ilaa ma Galbeed iyo Bari teedsan, taasina waxay ku suurta geli kareysaa innaga oo marna majare siyaasadeed oo tafatiran kana turjumaya ayaaha ummadda wallaalaha ah ee wada dega dhulka aynu kor ku soo xusney.

Gebagabadii, cadaalad dararadda eexdda iyo qaraabakiilka ku dhisan ee loogu shubtay doorashadii waxa ay muujinaysaa sanasaan colaadeed oo burburi kara qaranimadeena, waxaanay u muuqataa in qaranimada dalkeena Somaliland ay ku burburi karto gacanta Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Xisbi xaakimkiisa Kulmiye iy Komishanka Doorashooyinka ee uu Axmed Siilaanyo sida uu doon u hago.              

RAG CADAALAD WAAYA SIDII CAWSHA KALA YAAC - DHARAARBAA IMAN DOONTA HADAAN EEBAHAY CAYMIN AFKU UU HADAL DAAYO.
 
Maxammed Cali Cawil Musharaf

Bachelor of Social Work and Social Administration (SWSA)

Kampala University/Uganda

Kampala/Uganda

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.