Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Xukuumadda Iyo Shacbi Weynaha Dalka Jibouti Oo Walaac Xoog Leh Ka Muujiyay Doorashaddii Golayaasha Deegaanka Ee S/Land Kuna Tilmaamay Mid Cunsuriyad Ah, Tallooyin Wax Ku Ool Ahna Soo Jeediyay


(Hadhwanaagnews) Wednesday, December 05, 2012
Jibouti-(HWN)-Shacab weynaha ku dhaqan dalka Jamhuuriyadda Jibouti, oo si dhugasho leh ula socday doorashadii golayaasha deegaanka

Jibouti-(HWN)- Xukuumadda iyo shacbi weynnaha dalka Jamhuuriayadda Jibouti ayaa walaac xoog leh ka muujiyay qaabkii saluugga ahaa ee ay u dhacday codayntii doorashaddii Golayaasha Deegaanka ee dhawaan ka dhacday dalka Somaliland, iyaga oo ku tilmaamay in ay u dhacday qaab cadaalad daro ah oo ay ku jirto cunsiriyad aad u weyni.

Shacab weynaha ku dhaqan dalka Jamhuuriyadda Jibouti, oo si dhugasho leh ula socday doorashadii golayaasha deegaanka ee dhawaan ka dhacday Somaliland, ayaa si aad ah uga biyo diiday una saluugay hanaankii ay doorashaddu u dhacday iyaga oo ku sifeeyay inay u dhacday si cunsiyaradi ku jirto 00 cadaalad daro ah isla markaana ahayd mid si weyn loogu shubtay.



style="MARGIN: 0in 0in 10pt" class=MsoNormal>Dadweynaha reer Jibouti oo arrimahan doorashadda Somaliland si aad ah ugu hadal hayay goobaha kala duwan ee ay dadku ku kulmaan ayaa dareen isku mid ah oo aad isugu dhaw ka bixiyay qadiyadda doorashadda iyaga oo sheegay in aanay u dhicin si xor iyo xalaal ah, waxaanay xuseen in xukuumadda Somaliland iyo Komishanka Doorashooyinka Somaliland ay u kala hiiliyeen beelaha wallaalaha ah ee wada dega gobaladda kala duwan ee Somaliland, oo ay ku jiraan beello sidoo kale wada dega dalka Jibouti.

Sidoo kale, shacabka reer Jibouti, waxay intoodda badani tibaaxeen oo ay si cad hoosta uga xariiqeen  in xukuumadda iyo Komishanka doorashadda Somaliland ay faquuq cad oo ah oo aan geedna loogu soo gaban oo badheedh ah oo ay cunsuriyadi ku jirto ay Xukuumadda Somaliland oo adeegsanaysa Komishanka doorashaddu ay kula kaceen beelaha waaweyn ee dega goballada Galbeedka Somaliland iyo gobaladda bariga Somaliland, taas oo ay sheegeen in ay ahayd hiil aan xaq ahayn oo loogu kala hiilayay beelaha iyo Urruradda Siyaasada ee Somaliland, taas oo ay sheegeen inay cawaaqib xumo ku keeni doonto deganaanshaha iyo hanaanka dimoqraadiyadda iyo wada noolaanshaha nabdeed ee ka dhexeeya beelaha wallaalaha ah ee wada dega gobaladda Somaliland iyo dalkan Jiboutiba, waxaanay si cad ugu dhaleeceeyeen Xukuumadda Somaliland ee uu Madaxweynaha ka yahay Axmed Siilaanyo in ay dab iyo qalalaase kala dhex dhigayso beelaha walaalaha ee Somaliland, isla markaana ay abuurayso fidmo aan loo baahnayn oo burburin karta midnimada iyo xasiloonida qaranka dadka iyo dalka Somaliland, waxaanay ugu baaqeen in ay xukuumadda Somaliland dib uga fikirto in ay dib uga laabato fidmadan , sidoo kalana in dib loo eego qaabkii cadaalad darada ahaa ee ay u dhacday doorashadu ka hor inta aan lagu dhawaaqin.

Ugu danbaynti,  waxay dadka shacabka ah ee reer Jibouti ay intooda badani eeda dhabarka u saareen in xukuumadda Somaliland ay dhabarka ku qaadi doonto masuuliyadda wixii cawaaqib xumo ah ee ka dhasha cadaaldaradan cunsiriyadda leh ee loogu shubtay doorashadda.

Dhinaca kale, masuuliyiin sarsare oo ka tirsan Dalka Jamhuuriyadda Jibouti, oo ka cudur daartay in magacooda la shaaciyo oo aanu wax ka waydiinay sida ay u arkaan qaabkii ay u dhacday Doorashadii golayaasha deegaanka Somaliland ee muranka weyni ka dhashay iyo cabashooyinka k Urruradda Siyaasadda Somaliland iyo beellaha wada dega dalka Jibouti iyo Somalilandba, ayaa si taxadir leh u  dhaleeceeyay qaabkaa loo maamulay doorashadda Somaliland iyaga oo xusay in aanay doorashadaasi u dhicin qaab sax ah oo ay ka muuqato cadaalad daro iyo ku shubasho si fudud u horseedi karta nabadgelyo daro.

 Masuuliyiintan ka tirsan Dalka Jamhuuriyadda Jibouti, waxay carabka ku dhufteen in xidhiidh wanaagsan oo aad u qoto dheeri uu ka u dhaxeeyo shacabka iyo dawladdaha labada dal ee wallaalaha ah ee Jibouti iyo Somaliland,  mar kastana ay aad u jecel yihiin wax wada qabsiga iyo horumarka dadka iyo dalka Somaliland oo aanay marnaba jeclaysanayn wax kasta oo dhibaato ah oo soo gaadha Somaliland, sidaa awgeed, waxay ugu baaqeen Xukuumadda Somaliland iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland in ka hor inta aan la shaacin natiijadda doorashadda inay si taxadir leh oo xilkasnimo iyo cadaaladdi ku dheehan tahay ay wax uga qabtaan dib u eegisna ay ku sameeyaan cabashooyinka ka soo baxaya Urruradda Siyaasadda Somaliland ee ka qayb galay doorashadda, si loo hakiyo burbur iyo qalalaase ka dhasha natiijadda doorashadda oo dhirbaaxo xun ku noqon karta hanaanka geedi socodka nabadgelyadda, dimoqraadiyadda iyo horumarka Somaliland ee ay bulshadda caalamku indhaha ku hayso wakhti xaadirkan.

Masuulintan ka tirsan dalka Jibouti, waxa ay sheegeen in inkastoo aanay xukumadda dalka Jibouti wax war ah oo rasmi ah weli ka soo saarin arrimahan, in ay hadana si weyn isha ugu hayso qaabkii ay u dhacday doorashaddii golayaasha deegaanka Somaliland iyo cabashooyinka jira oo ay eegayso bal qaabka ay xukuumadda Somaliland wax uga qabato cadaaladda iyo cabashooyinka waaweyn ee soo if baxaya.

Si kastaba ha ahaatee, Masuuliyiinta ugu Sarreeya urur-siyaasadeedka XAQSOOR, ayaa xukuumadda iyo xisbiga talada haya ku eedeeyey inay ku shubteen, isla markaana musuqmaasuqeen doorashada golayaasha degaanka, gaar ahaan degaannada bariga iyo galbeedka fog ee dalka Somaliland.

Masuuliyiinta XAQSOOR oo dhawaanjaraa?id ku qabtay xuruntooda magaalo madaxda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa, waxay si cad uga dhawaajiyeen in Guddida Doorashooyinka Qaranku ku shubashada iyo musuqa la socdeen, lana ogaayeen xukuumadda, iyagoo soo jeediyey baaq culus oo ay ugu horreeyso in dib-u-eegis lagu sameeyo degaannada ururkoodu saluuga ka muujiyey, dibna loo saxo wixii ka khaldamay.

Guddoomiyaha XAQSOOR Md. Xasan Ciise Jaamac oo arrimahan ka hadlaya ayaa yidhi

?Waxaannu shirkan jaraa?id u qabanay inaannu ka hadalno qodobo muhiima oo aannu ka warwarsanahay inay dhibaato u geystaan midnimada iyo nabadgelyada waddanka oo ka soo baxay doorashooyinkan golayaasha degaanka ee iminka dhacay oo u badan dhinaca bariga iyo dhinaca galbeedka, meelo badan oo dhexda ahina ay ku jiraan.

Waxa ay wakiilladayadii gobolladu noo soo sheegeen in musuqmaasuq farabadan iyo ku shubasho aan xad lahayni ay ka dhaceen doorashooyinkan, kuwaasoo ahaa qaar cad oo badheedha oo la cadayn karo. Waxa kale oo aannu shirkan jaraa?id u qabanay inaannu shacabka Somaliland u sheegno waxyaabaha jira, in xukuumadda waddanka aannu ku gubaabino inay saxdo wixii khaladaad ah ee dhacay ee iyadu ay masuuliyadeeda leedahay, Guddida Doorashooyinka Qarankana aannu ku gubaabino inay iyaguna saxaan wixii khaladaad ah ee hawshooda khuseeya,? ayuu yidhi Md. Xasan Ciise Jaamac.

Md. Xasan Ciise Jaamac, waxa uu Guddida Doorashada iyo xukuumadda u soo jeediyey inay sida ugu dhakhsaha badan u saxaan khaladaadka iyo isdaba marinta ay sheegeen in lagu sameeyey doorashada golaha degaanka ee dalka ka qabsoontay, waxaannu yidhi isagoo arrintaas ka hadlayey; ?Waxa aannu aaminsanahay inaynu wali wakhti haysano aynu khaladaadkaas ku saxno, haddii la danaynayo nabadgelyada iyo midnimada waddanka, dalalka kale ee doorashooyinku khaldamaan doorashooyinka oo dhan baa lagu celiyaa oo la mamnuucaa, haddii la is yidhaa khaladaad weyn baa dhacay amma gobollada khaladaadku ka dhaceen baa la qiraa oo iyaga gobol gobol amma degmooyin loogu celiyaa.

Waxa aannu ku guubaabinaynaa xukuumadda iyo Komishanka Doorashooyinkaba in wixii khalad ah ee la caddayn karo ay qiraan oo si kalsooniya oo daacadnimo ah ay ugu dhiiradaan inay saxaan wixii khaladaad ah ee la caddeeyo, geesinimada koowaad weeyaan wixii khalad ah ee jira in la qiro, waana geesinimo in la saxo.?

Waxa kale oo isaguna halkaas ka hadlay Mr. Maxamed Ibraahim Qabo oo ka mid ah masuuliyiinta XAQSOOR, kaasoo si gaar ah u faahfaahiyey khaladaad uu sheegay in lagu arkay degaannada bariga oo uu sheegay inay kormeer ahaan ku joogeen, waxaannu yidhi; ?Waxa wax aad iyo aad looga naxo ah Gobolka Sool waxa ka dhacay laba nooc baynu u kala saarayna, mida ugu muhiimsan waxaynu u sibir saarayna kushubashadan dhacday Koomishanka Qaranka, sababtoo ah waxay go?aansadeen in aan lagu gelin kaadhkii diiwaangelinta oo ka hortagi lahaa in dadku laba jeer codeeyaan, haddii kaasi meesha ka baxay waxay ahayd in khad adag oo aan go?ay dadka farta loo daro, laakiin waxaad mooda in arrintaasi ahayd hawlgal loogu talagalay oo khadka la keenay waxa uu ahaa mid aad u fudud oo wax yar baa biinaayey, ta kale Gobolka Sool afar degmuu ka kooban yahay laba kamay dhacayn, labana way ka dhacaayeen Xudun waxaannu isla garanay in lagu galo doorashada qaab is xambaar ah, laakiin 29 sanduuqba la dhigo meesha, waxa dhacday subaxnimadiiba in shanta sanduuq ee yeelay degaanka Bohol lixdii subaxnimo la qaado 23 barigana ilaa sagaalkii subaxnimo waa la sugaayey, waxooga yar oo rabshad ah ayaa xagga shishe ee ciidanka qaranka ka dhacay, laga soo bilaabo tobankii ilaa lixdii galabnimana nabadbay ahayd, garan maynana waxa loo kansalay 23 sanduuq ee Xudun, iyadoo hore annagoo 23 xildhibaan liiskoodii iyo lacagtoodii Koomishanka u gudbinay, balse nalagu qasbay inaannu is xambaar yeelno, taas waannu yeelnay, laakiin tan labaad in shantii kursi ee Bohol la sameeyo 23 bariga ee Xaqsoor u badnaa la kansalo ka yeeli mayno, laba mid bay noqonaysa in la wada kansal gareeyo iyo in qaab ka duwan qaabka uu xalay ka sheegaayey telefishanka guddoomiyaha koomishanku ee uu lahaa shantaas goobood ba lagu soo baxaya oo xambaaraya siddeeda kursi ee kale ee Xudun, taasi caqli gal noqon mayso, caddaaladna maaha, wax ummaddu yeelaysana maaha.

Degmada Laascaanood la yidha rag badan baannu kaga hawlgalnay, ma garanayno waxa ka dhacay, maalmihii u dambeeyey Guddoomiyihii Gobolka ee xisbiga KULMIYE oo ah nin gobolkaas aad ugu culus ayaa maalmihii ugu dambeeyey nagu soo biiray oo is casilay, haddana miyaannu dhegaysanaa Gobolka Sool waxa ugu sarreeya KULMIYE, waa wax aan la aqbalayn, waana in Komishanka Doorashooyinku dib u eegis ku sameeyaan waxa ka dhacay gobollada bari.?

Waxa kale oo isna shirkaas jaraa?id ka hadlay Guddoomiyaha Ololaha urur-siyaasadeedka XAQSOOR Keyse Yuusuf, waxaannu sheegay in muraaqibiintoodii u sheegeen in si gaar ah loogu shubtay 99 sanduuq oo loogu tallogalay degaannada bariga, isagoo sidoo kale madaxweyne-ku-xigeenka ku eedeeyey inuu si gaar ah ugu tagri falay sanaaduuqdii degmooyinka Lughaya iyo Saylac oo ka tirsan gobolka Awdal.

Khalid Barkhad

Khaalid_laan@hotmail.com

Hadhwanaagnews/Office

Jibouti

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.