LONDON-(HWN)-Mid ka mid ah goob joogayaashii caalamiga ahaa ee indha indheynayey qaabkii ay u qabsoontay doorashaddii goleyaasha degaanka ee dhawaan ka dhacday Somaliland oo u dhashay dalka Britain magaciisana la yidhaahdo M. Wilson, ayaa daboolka ka qaaday galdalooliyin iyo dhaliilo hor leh oo aan nooceeda dunida weli hore loogu arag, inuu ku arkay doorashadii ka dhacday Somaliland, waxaanu sidaa ku bayaamiyey wareysi khaas ah oo ay la yeelatay Wakaalada Wararka ee Caalamiga ah ee Retuers isagoo ku sugan Magaalada London.
Goob jooge Wilson, oo ah Khabiir ruug cadaa ah oo waayo aragnimo dheer u leh arrimaha la xidhiidha
doorashooyinku waxa uu sheegay inuu indhihiisa ku arkay dhacdooyin badan oo la yaab leh oo ka dhacay goobo badan oo ka mida goobihii codbixinta ee uu indha indheenayey, isagoo tusaale ahaan u soo qaatay caruur da´doodu ka yar tahay toban jir ilaa afar iyo toban jir (10-14) oo si ku noqnoqosho ah oo aan xad lahayn uga codeenayey goobaha codbixinta, waxaanu yidhi isagoo arimahan ka hadlaya
"Dabcan, waxay igu noqotey u qaadan waa iyo amakaag markii aan si dhugasho leh ay indhahaygu u qabteen mid ka mida khiyaamooyinkii badheedhka ahaa ee abid lagu arko goobo codbixineed oo dunida, waxaan arkay caruur da´doodu ay u dhaxeyso toban jir ilaa afar iyo toban jir (10-14) oo si ku noqnoqosho ah hadba uga codeeynaya isagana dabqaadeyey goobo badan oo ka mida goobihii ay dadku codkooda ka dhiibanayeen doorashadii goleyaasha degaanka ee ka dhacday dhawaan Somaliland, sidoo kale waxaa taa barbar socday dad badan oo qaangaadha oo iyaguna celcelis ahaan codeeyey in ka badan dhowr iyo toban jeer, kadib markii aan u kuurgalay waxay indhahaygu ku dhaceen in goobihii codbixintu isku bedeleen mar kaliya saylado lagu kala iibsado walxo dareere ah oo loo adeegsado in lagu maydho khadka lagu calaamadiyo qofka codkiisa dhiibtay."
Dhinaca kale waxa uu goob jooguhu hoosta ka xariiqey wax uu ugu yeedhay wada shaqeyn hoose oo xidhiidhsan oo si toosa iyo si dadbanba uga dhaxeysay maamulayaashi iyo hawlwadeenadii komishanka dooroshooyinka qaranka ee ka hawl galayey inta badan goobaha codbixinta iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan xisbul xaakimka Kulmiye, taas oo u muuqatey in ay ahayd waxyaabaha fududeeyey ku shubashada codbixinta.
Goobjooge Wilson waxa kale oo uu hoosta ka xariiqey in ay jireen oo uu markhaati cad ka ahaa xubno sarsare oo ka tirsan xisbul xaakimka Kulmiye oo adeegsanaya gaadiid lagu xidhay taariko number ka fasaxaya dhaqdhaqaaqa isu socodka ee Koomishanka Dooroshooyinka Qaranka, Mana cada sida gaadiidkaas sumadda Koomishanka wata ay ku heleen rusqadan.
Ugu danbeyntii wareysigan oo aad u dheera waxaa uu ku xusay goobjoogahan Britishka ahi in doorashadani ay ahayd mid ay hadheyeen wax is daba marin iyo ku shubo aan xad lahayn, isagoo tibaaxey in ay Somaliland ka jirtay dimuqraadiyad iyo nabad gelyo buuxda.
Geesta kale waxa uu sheegay goobjoogahani inay doorashadu ku dhacday si nabad gelyo ah amaankana si fiican loo adkeeyey, doorashaduna si habsami leh u dhacday inkastoo ay dhaliilo badani jireen oo ay warqadaha codbixintu ka go´een goobo badan oo ay dadka codeenayey ay tubnaayeen.
Ugu danbeyntii. Goob joogahan oo ka waramayey cabashooyinka hadda ka soo if baxey qaar ka mid ah urrurada siyaasada waxaa uu yidhi "Runtii waan filayey, markii aan ka imi Somaliland ee aan ku soo guryo noqday London waxa la ii sheegay tabashooyin badan oo ay urrurada siyaasadu ku saluugeen qaabkii doorashada loo maamulay, sidaa awgeed, cabashadani may ahayn mid aan la yaabo, maxaa yeelay waxaa ii cadayd oo aan filayey inay soo bixi karaan cabashooyin noocan oo kale ah, laakin waxa si weyn loo filayaa in wax ka qabashada iyo xalinta ee tabashooyinkani ay yihiin masuuliyad saaran dhinacyada ay khuseyso oo ay u horeeyaan Koomishanka Doorashooyinka iyo Xukuumadda talada haysa, ka hor intaan lagu dhawaaqin natiijada doorashada, waxaana looga baahan yahay in ay maanka ku hayaan sida ay beesha caalamku u quud dareenayso natiijo xor iyo xalaal ah oo ku qancaan dhamaan dhinacyadu.
Gebagabadii, waxa uu qiray Goob joogahani, in Somaliland ay ka jirto nabadgelyo iyo Dimoqraadiyad taam ah oo aan ka jirin dalal badan oo caalamka iyo Afrkaba ka tirsan taas oo u suurta galisay in ay Somaliland ay ka soo qabsoomaan doorashooyin badan oo u dhacay si dimoqraadiyad ah, waxaanu calaamatul su aal saaray Goob joogahan Britishka ahi hadba sida uu noqdo qaabka laga filayo in si wadajir ah oo cadaaladi ka muuqato loogu soo gunaanado natiijadda cod bixinta doorashaddan in ay noqoto mid macquul ah oo inta badan ay darafyaddu ku wada qanacsan yahay ka hor inta aan si rasmi ah loo shaacin.
Hadhwanaagnews.com/London
LONDON/UK