Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Dulmidiidoow adigu wax ha dulmiyin


(Hadhwanaagnews) Thursday, December 06, 2012
Dhacdada ugu Cajiibka badnayd waxay ahayd markii Computerka data xaafadda Axmed DHagax laga masaxay.

Dulmidiidoow adigu wax ha dulmiyin

Waxaan  halkan ka salaamayaa dhammaan tafatirayaasha shebekada hadhwanaagnews ee sida hagar la aanta ah dadkooda uga haqab tira wararka fareshka ah ee aan kala go`a lahayn.

Hadii aan usoo noqdo duluucda maqaalkaygan  dulmidiidoow adigu wax ha dulmiyin, xisbul xaakimka KULMIYE waxa uu si joogta ah uga caban jiray dulmi uu kaga caban jiray inay kula kici jireen xisbigii markaas talada wadanka hayay ee UDUB. Dadka reer Somaliland waxay ka midaysnaayeen inay diidaan dulmiga  waxaanay ka dhiidhiyi jireen
yes">  tacadiyada lagu hayay KULMIYE.

Hadaba intii uu KULMIYE  qabtay talada wadanka waxaa isasoo tarayay tacadiyada uu ku hayo dadka muwaadinka ah sida  xuquuqdooda shakhsiyadeed oo uu duudsiiyo, xadhiga aan sharciga waafaqsanayn oo aanay maxkamidi xukumin (Conviction) jidh dil joogta ah iyo takrifal hantida ummada ah.

Doorashadii ugu danbaysay ee laqabtay 28/11/2012 waxa uu KULMIYE ku talaabsaday sida tan:

1.       Ku takrifal hantidii ummada ah sida dhaqaalihii wadanka oo loo isticmaalay tartanka doorashada

2.       Isticmaal gawaadhida dawlada

3.       Wasiiro, xildhibaano tiro badan oo ku jira ololaha tartanka doorashooyinka

4.       Madaxweynaha iyo madaxweynekuxigeenka oo laftoodu u ololeynaya doorasha golaha deegaanka

5.       Ku shubashada codadka ururada siyaasada iyagoo adeegsanaya khibrada ay ka heleen mudadii ay talada wadanka hayeen kadib markii ay ogaadeen inay dhacayaan oo aanay wax cod ah helayn.

     6. Dhacdada ugu Cajiibka badnayd waxay ahayd markii Computerka data xaafadda Axmed DHagax laga  masaxay markii laga yaabay tiradda dadka codeeyay laguna mar mar soonayday Virus ayaa galay. suashu waxay Tahay Xaafaddaha kale muxuu ugali waayay Visrusku 

Maxay keeni karaan musuqan iyo kushubashadani

?  Tani waxay keeni kartaa dhibaato hor leh oo lasoo derista shacabka nabada jecel ee reer Somaliland.

?  Waxay keeni kartaa xafiltan hor leh oo ka dhex abuurma shacabka reer Somaliland

?  Waxay keeni karktaa Is aaminaad daro ka dhex dhacda dadweynaha sharafta leh

?  Waxay sababi kartaa waxyeelo ku dhacda ictiraafkii aynu mudada dheer u halgamaynay oo la waayo.

?  Waxay keeni kartaa sharaftii ay Somaliland ku lahayd aduunka oo hoos u dhac ku yimaado.

 

?         Waxaan usoo jeedinayaa KULMIYE dadka aad dhacaysaa waa dadkii shalay ku garab istaagay  markii aad u haraadanayd kursiga wadanka ugu sareeya. Dadkani waa dadkii codkooda iyo  hantidoodaba kuu huray si aad  maruun talada wadanka xakamaha ugu qabato.

 

?         Commisionka qaranaka waxaan leeyahay waad ku dhacdeen inaad garsoore caadil ah ka noqotaan tartanaka ururada qaranka. Commisionku iyagoo fulinaya ballan qaadyo loo sameeyay waxay si shaki la`aan ah u baalmareen Electoral Code of Condutc (ECOC). Waxay si badheedh ah iyo si dadbanba ugu shaqeeyeen KULMIYE  boobka uu ku hayo ururada qaranka.

 

Waxay ahayd inaad si cadaaladi ku jrito ugu shaqaysaan qaranka sidii markii horeba dhacday doorashadii madaxtooyada. Commissionka waxaan usheegayaa inaad ogaataan dulmiga iyo cadaalad darada aad sameyseen in xisaabteeda iyo cawaaqib xumadeedaba aad lakulmi doontaan.

 

?         Ururada siyaasada ee la dulmay codkoodii iyo  xuquuqdoodii qaranimona  la musuqay waxaan odhan lahaa ha aqbalina natiijada male awaalka ah taas oo nin loogu shaqaynayo sidii uu kursiga ugu fadhiyo mucaarid la`aan. Ururada la dhacay waxaan kula talinayaa maadaama aanay jirin hay`ad qaran oo dhexdhexaad ah oo ka garnaqda  dhaca, ku takrifalka, musuqa iyo tacadiga muwaadiniinta iyo ururada siyaasada, inay u gudbiyaan cabashadooda hayadaha caalamiga ah sida:

?  Office for Democratic Institutions and Human Rights (ODIHR & OSCE)

?  The International Covenant on Civil and Political Rights (ICCPR)

?  The International Institute for Democracy and Electoral Assistance (IDEA)

 
Najax Hassan
 
 
 
---------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------
 
Hadhwanaagnew marnaba kama masuula aragtida dadka kale, Qoraaga ayaa xushmadeeda iyo xumaanteeda wata iyo xilkeedab sida waxa kaliya hadhwanaag dhiirigalinaysaa isdhaafsiga artiyahah.

 

 

 

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.