Hargeysa (HWN) Ridwaan Aadan Xasan ayaa ku dhintay Rabshaddo xalay ka dhacay Degmadda Axmed Dhagax Ee Magaaladda Hargeysa, halka kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.
 |
|
Marxuum Ridwaan Aadan Xasan |
Dhaawaca iyo dhimashadda ayaa la sheegayaa in ay intaasi ka badan yihiin, balse mar aanu booqanay cusbitaalka Edna ee Magaaladda Hargeysa, ayaa waxa aanu ku soo aragnay Maydka Alle ha u naxariistee Marxuum Ridwaan Aadan Xasan oo ay habeenkii xalay ahaa xabadi kaga dhacday Dhuunta.
0in 10pt" class=MsoNormal align=justify>Dhinaca kale goor dhaweyd ayay Xaafadda Axmed Dhagax ee Magaaladda Hargeysa dib uga bilaabantay Rabshad Xoog Badani.
Rabshadahan oo wax yar uun ka dib markii ay Sulaadiinta iyo siyaasiyiintu khudbad u jeediyeen Dadka ay isku dhaceen Askarta Ciidamadda Booliska ayaa waxa la sheegayaa in uu hal qof ku dhintay, halka laba kalena ay ku dhaawacmeen.
Ma jiro ilaa hadda wax war ah oo ay Xukuumaddu ka soo saartay Rabshaddahan Mar kale dib uga curtay Magaaladda Hargeysa, balse madax dhaqameedka iyo Siyiinta Degmadda Axmed Dhagax ee Magaaladda Hargeysa ayaa ku boorinaya dadka cadhaysan in ay degenaansha ilaaliyaan.
Wixii war ah ee ka soo kordha kala soco Hadhwanaagnews.