Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


DAAWO VIDEO: Jaamcadda Burco oo Shahaadooyin Guddoonsiisay Macalimin Dhammaystay Tababarka Macalinimada ee Kulliyadda Waxbarashada.


(Hadhwanaagnews) Friday, December 07, 2012
Munasibaddan oo ay ka soo qaybgaleen Wasiirkuxigeenka Wasaradda Waxbarashada Somaliland Cali Xaamud jibrriil, Guddonka waxbarashada Gobolka Cabdi Axmed Siciid, Badhasabka Gobolka Togdheer Cabdo axmed Aayir, Guddomiyaha Jamacadda Burco....

DAAWO VIDEO:  Jaamcadda Burco oo Shahaadooyin  Guddoonsiisay Macalimin Dhammaystay Tababarka Macalinimada ee Kulliyadda Waxbarashada.
 
Munasibad shahaadooyin lagu guddoonsiinayey in ka badan 140 Macalin oo ka qalinjebiyey Tababarka Macalinimada ee kulliyada Waxbarashada jaamacada Burco ayaa  saaka lagu qabtay Hoolka weyn ee jaamacadda Burco.
 

Munasibaddan oo ay ka soo qaybgaleen  Wasiirkuxigeenka Wasaradda Waxbarashada Somaliland Cali Xaamud jibrriil, Guddonka waxbarashada Gobolka Cabdi Axmed Siciid, Badhasabka Gobolka Togdheer Cabdo axmed Aayir, Guddomiyaha Jamacadda Burco Prof Saleban Dirir Cabdi , Sarkaal ka socday Hay?adaha  mashruca macalimintan lagu tababaray maalgeliyey, Culimo awdiin, Waalidin iyo marti sharaf kale oo badan.


0in 10pt; tab-stops: 335.2pt" class=MsoNormal>Ugu horeyn waxa munasibaddan ka hadlay sh.yusuf cabdi cawad  oo ka mid ah culima awdiinka gobolka togdheer, waxaanu halkaas ka soo jeediyey wacdi diini ah oo ku saabsan waxbarashada , faaidooyin keeda iyo ajarka laga helayo haddii si sax aha Bulshada loogu gudbiyo, Sheekhu wuxu xusay in diinta islaamka sal looga dhigo islamarkaasna macalimintu tusaale u noqdaan ardayda ay wax barayaan.

Maxamed Adan waraabe oo ah Dhiinka Kulliyada Waxbarashada ee jaamacadda Burco ayaa sharaxad ka bixiyey tirade ardayda ka qalinjebisay kulliyadan, waxyaabihii ay ku kala duwanayeen dufcadaha ka qalinjbiyey kulliyada waxbarashada iyo weliba tayadooda.

Waxa isaguna halkaas ka hadlay Axmed Abokor oo ka socday Hay?adaha ISF, Save the Children iyo Care international  oo dhammaantood ba ka qaybqaatay maalgelinta mashruucan koorloogu qaadayey tayada macalimiinta isla markaasna tababarka macalinimo lagu siinayey macalimin ka kala socotay Gobolada, Sool, Sanaag, Togdheer iyo Saaxil.

Waxa uu sheegay in mashruucani faaido weyn iyo wax tar ballaadhan u lahaa waxbarashada Dalka islamarkaasna uu wasaaradda waxbarashada  wax weyn ka saaciday, wuxuna u soo jediyey bulshada reer Somaliland inanay cid kale iyo gacan dibadeed wax ka sugin uune ay iyagu isu tashadaan oo haddii ay hal dollar qofkiiba bishii ururiyo ay noqon lahayd dhaqaale inta hay?aduhu ina siiyaan oo dhan ka badan oo baahiyo badan dabooli lahaa.

Waxa iyaguna halkaas ka hadlay Macalimintii jaamacaddan ka qalinjebisay oo shegay inay wixii la baray siday tahay bulshada ugu gudbin doonaan tallooyinkii macalimiintooda na ay sidooda u qaadan doonaanisla markaasna rajaynayaan inay noqdaan macalimin soo saara jiil tayo leh.

Guddomiyaha waxbarashada gobolka Togdheer Cabdi Axmed Sicid, Badhasabka Gobolka Togdheer Cabdo Axmed Ayir  iyo Guddomiyaha Jaamacadda Burco Prof Saleban Dirir Cabdi ayaa siyaabo isku mid ah uga warbixiyey faaidada aqoontu u leedahay Bulshada iyo in adduunku ku kala horeeyo aqoonta oo waddan ba waddanka dadkiisu ka aqoon badan yahay uu ka horumar badan yahay, waxay sheegeen in ay jirto duruufo badan oo macaliminta wakhtigan haysta taaso ay ka mid tahay in macalimintu yihiin kuwa ugu mushaharka yar, sidoo kale ay dhib weyn kala haysato ardayda iyo macalimiinta oo is qabsi badan uu jiro , waxay xuseen in taasi keenayso burburkii  iyo dagaaladii dhacay islamarkaasna aanay  dhinaca kale waalidku xil badan iska saarin toosinta iyo maamulka ubadka,badhasabka togdheer ayaa isagu si gaar u sheegay in xukuumaddani tahay xukuumaddi waxbarashada islamarkaasna ay bilihii ugu horeeyey ee ay xukunka la wareegtayba awooda isugu geysay waxbarashada bilaashna ka dhigto waxbarashadii hoose dhexe oo ah waxbarashada aasaasiga ah.

Wasiirkuxigeenka waxbarashada Somaliland ayaa isaguna munasibadda ka sheegay in xukuumad ahaan iyo wasaarad ahaanba ay ka go?atahay so celinta Tayadii macalinka isla markaasna ay dalka oo dhan ka wadaan mashaariic lagu tababarayo macaliminta si tayadoodu u hagaagto.

 
Ugu danbayntii Waxa halkaas shahaadooyinkii ay ku dhammaysteen Mashruuca SCOTTPS  lagu guddoonsiyey macalimintaasi , kuwaaso isugu jirey 15 Dumar ah iyo 130 Rag ah, oo ka kala socday Gobolada Saaxil, Sanaag togdheer iyo Sool.

 

 

 

 

Mustafe Osman A/rahman (Mustafe Teacher)

Hadhwanaagnews Burco / Office

Hadhwanaagnewsburco@hotmail.com


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.