Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


"Sida Wax U DHaceen Waa Sidii Aanu Ka Digaynay, Mujaahid Xasan Ciisenna Waa Halyey Qarankan U Soo Halgamay....." Wasiir Duur


(Hadhwanaagnews) Friday, December 07, 2012
"Sida Wax U DHaceen Waa Sidii Aanu Ka Digaynay, Mujaahid Xasan Ciisenna Waa Halyey Qarankan U Soo Halgamay....." Wasiir Duur

Hargaysa(HWN):- Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale (Duur), iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Cabdillaahi Fadal, ayaa ka hadlay rabshadiihii Xalay iyo ilaa Maanta ka socda Degmada Axmed-dhagax, waxaanay shacabka ugu baaqeen inay is dejiyaan oo ay Ammaanka Caasimadda wax yeelayn.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale (Duur), ayaa tilmaamay inay arrintani tahay mid ay hore uga digeen, waxaanu yidhi "Sida waxa u dhaceen waa sidii aanu ka

digaynay ee guubaada badan ka samaynaynay, waxay ahayd markii Natiijadu soo baxday inay u maraan wixii cabasho ah wadada sharciga ah.

Runtii waxa aanu ilaa xalay ka shaqaynaynay in aanu helno Salaadiinta iyo Hogaanka Urur-siyaasadeedka XAQSOOR oo runtii ah Nin dalka u soo halgamay, markaa waxa aanu doonaynay in arrinta halkaas aanu ku dhammayno oo si dublamaasiyadeed arrinta loo dhammeeyo. Xasan Ciisanna waxaan leeyahay samcada haka dilinna, kuwa leh Mudaharaad dhiga ee TV-yada ka hadlayana waxaan leeyahay Addeer ka daaya.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal ayaa isaguna sheegay in marka rasbshado dhacaan ay cid uun ku dhimatay, isla markaana uu khasaare baxaadle uu ka dhasho, waxaanu ugu baaqay Ciidanka Booliska Somaliland inaanay Shacabka dhibaatayn, isla markaana aanay Rasaas u isticmaalin Mudaharaadayaasha ?Hadii wax dhacaan cid ayuunbaa wax ku noqota oo dhibaatadu cidbay taabanaysaa, markaa waxaan leeyahay Illaahay Naxariistii jano haka waraabiyo intii ku dhimatay, waxaanan leeyahay intaas ayeynaan sii dhaafin.? Ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Booliska.

A.A.Asporo

Hadhwanaagnews/Office

Hargaysa/Somaliland

Asporo23@gmail.com

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.