Hargeysa (HWN) ? Qaar ka mid ah madax-dhaqameedka iyo waxgaradka Beelaha Waqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa, ayaa cambaarayn ba?an dusha uga tuuray xisbiga Kulmiye.
Waxgaradkan ayaa ku eedeeyay xisbigaasi in dhexdiisa aanay ka jirin dimuqraadiyad xalaal ahi, taas bedelkeedana uu musuq-maasuq iyo wax isdaba marin cadaan ah kula dhex kacay qaar ka mid ah murashaxiinta urur siyaasadeedkaasi.
Sidaasna waxa ay ku sheegeen Warsaxaafadeed kooban oo ay galabta soo gaadhsiiyeen Shabakadda wararka ee Hadhwanaagnews, waxaanu u
dhignaa sidan
Kulan ay albaabadu u xidhan yihiin oo madax-dhaqameedkani galabta ku yeesheen guriga Suldaan Xiis Barre , ayaa lagaga wada hadlay sidii jawaab looga bixin lahaa cabashada ay tirsanayaan beelahan,iyada oo duqaydu ay aaminsan in la leexsaday codka raggii u sharaxnaa.
Beelanahn shirka yeeshay oo kala ah Cismaan Xuseen, Makaahiil , Reer Cabane Yaasuf iyo Adaraxmaan Sacad oo ka tirsan beesha Sacad Muuse , ayaa waxa ay sheegeen in boobka lagula kacay codkooda uu masuul ka yahay hogaanka sare ee xisbiga Kulmiye , iyada oo la soo saaray ragg kale oo uu xisbigu si weyn u danaynayay,laakiin aan helin kalsoonida shacabka .
Markii kulanku dhamaaday waxa la isku afgartay in ergo loo diro madaxda xisbiga Kulmiye iyo xukuumada si loogala hadlo tabashada beelaha, hase ahaate waxa aan la sheegin wakhtiga ay labada dhinac is kulmi doonaan Magacyada Sallaadiinta shirka ka qaybgashay:
1-Suldaan Xiise Bare.
2- Suldaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf.
3-Suldaan Jaamac Cismaan Aadan.
Hadhwanaagnews/Office
Hageysa/Somaliland