Hambalyo Hambalyo Guud ahaan Xildhibaanda Gobolka Togdheer, Gaar ahaan Xildhibaanada Da´da Yar ee ka soo baxay Golleha Deegaanka Burco,Sida C/Risaaq Maxamuud Jaamac(Aar) oo Ka mid ahaan jiray Urur Siyaasadeedkii Horseed ee Aan Isdiwaan Gelin.
Mr C/risaaq Waxaanu ku xasuusanaa Inuu ahaa Nin Dhaliyaro ah oo Aad iyo aad u firfircoon kuna soo biiray Siyaasada Dalka Somaliland Sanadii 2005 Xiligii Doorashadii Baarlamaanksa somaliland, C/Risaaq Aar Waxaa uu si fudud ugu dhex muuqday dhamaan gobolka togdheer Isagoo u ololeeyay in dhalinyarada Gobolka togdheer ka qayb qaataan Sidii dhalinyarada Somaliland ugu qayb qadan lahaayeen Masraxa Siyaasada Somaliland oo xiligaaa aanay haba yaratee aanay ka dhex muuqan Mr abdirsaaq Culays badan oo dhinac walba kaga yimi kamuu hadhin hankiisii iyo damacii siyaasinimo
waxaananu Xiligii Xisbiga kulmiye Ku jiray ololaha Doorashada Madaxwaynahay uu ka qayb qaatay Isagoo saaxiibadii Ururka Ay wada ahaayeen Ka Codsaday Inay fasaxan Si uu u helo olole uu u ololeeyo Xisbiga Kulmiye ee talada Dalka haya.
Waxaanu Si kal iyo laab ah u hambalyaynaynaa Haddaanu nahay Masuuliyiintii Ururkaas Horseed oo aanua leenahay Saaxiib Ilaahay Ha kuu fududeeyo Shaqadaa Qaran ee aad haysid Ilaahayna Ha kaa dhigo kii Dadkiisa iyo dalkiisaba ugu Adeego Hufnaan daacad nimo iyo Sinaan.
Gudoomiyhii Urur Siyaasadeedkii Horseed Mr Abdihakim Awil H Adan
Gudoomiye ku/xigeenka ururka Horseed Mr Abdirashid farah Ismail
Afhayeenkii Urur Siyaasadeedkii Horseed Dr Maxaxmed Yusuf ahmed
Wabilaaahi Tawfiiq
Afhayeenka Urur Siyaasadeedkii Horseed Dr Mohamed yusuf ahmed