Hanbalyo muj, macallin Mayor Ismail haji nur
Dhaqane iyo dhaashane dhalin weeye magaallo.dhaqankoodu mid maaha .Dhaliil la iskama qaato .DHafoor taabasho weeye .Dhibtana la iskuma eego.daily way kaftamaan . Hadana la isma dhegaysto.Dhoohanaad tahay waalan iyo adaa dhoocil ka liita warkoodaa ku dhamaadee .Kaalayoo bal dhegayso
DHaqane:Hanbalyo Muj ,Macallin,Mayor Ismaiciil haji nur.
style="mso-ansi-language: EN-US">DHaashane:Waa markii u horaysay een ku arko adoo wax hamlayeynayee .Muxuu ahaa ninkan aad manta hanbalyeynaysaa?
DHaqane :Waa nin libaax ah oo u qalma .
DHaashane: Ma kommuunkaa?
Dhaqane:Waar kommunku wada kommun maaha dee .Qaarna waa rag qaarna ri`yo.Ninkan hooyadiibaa nin dhashay.
Dhaashane:Oo Umadii maxaa ku dhacay?
Dhaqane:Umadii waxa ku dhacay.Doorashadoo sibiibixo aheyd,Gaboosoo si xun u taagnaa iyo Kulmiyoo sinsaaro yiqiin.
Dhaashane:Oo ninkan aad amaanaysay ma kulmiyuu ka soo baxay?
Dhaqane:Waar inaadeer horta maxaa isla macnaysaan ? Kulmiye ma libaaxyaa ku jira ? waa libaax baanu ku leenee.
Dhaashane:Waayee xisbiguu ka soo baxay ?
Dhaqane: Xisbiga dadka wadanka leh dee.
Dhaashane:Waar wadanka dad gooniye ileyn ma lehee ,ma Wadani baad ka wadaa ?
Dhaqane:Horta yeelkeedee midh midhka kulmiye ee caqliga leh baad ku jirtaa.
Dhaashane:Ma is tidhi sidii Udub idiinka burburtayba Wadani baad ku sii siqaysaa.
Dhaqane:Wadani sow Udub oo shaadhkii soo bedeshay uun maaha.Mida kale itixaankii doorashooyinka ma is tidhi dirqaa ku dhaafteen.Waxa la yidhi : Nin itaal yar baa la waydiiyey weligaa nin ma legeday?Wuxuu ku jawaabay :Nin beri aanu aniga iyo abdulqadir jaylaani wada legednay mooyee .oo idhi Abdulqaadirow ila qabo mooyee nin kale ma legdin.Imika idinkiyo abdulqadir jaylaani baa isugu tegay sow maaha ?
Dhaashane:Waar dadkaa u sii wad.
Waa qalinkii :Baxnaan xaaji aden
Sweden
haaheey@hotmail.com
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga.