Cigaal (IHUN wuxuu geeriyooday bishii May 3, 2002kii.
Waxaa markaa gabogabo ku dhaweyd waqtigii loogu talo galay in la furan karo ururada.Hase yeeshee geeridaa ka dib ayaa golaha guurtidu kordhiyey mudadii waxaana golaha loolanka ku soo biiray oo la unkay labada urur ee ASAD oo uu hogaanka u hayey Salaabaan Maxamuud (Saleebaan Gaal) iyo Kulmiye oo uu hogaanka u qabtey Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo. Sababta loo kordhiyey ilaa iminka bulshada reer Soomaaliland looma sheegin,waxaa kaloo ka qarsoon bulshada reer Soomaaliland sababta labadaa urur loo furan waayey markuu Cigaal(IHUN) noolaa ama loo furi waayey mudadii loogu qoondeeyey in urur la furan karo.
Ururka Kulmiye oo lagu dhawaaqey dabayaaqadii May 2002kii ayaa markiiba bulshadu sas iyo anfariir ka qaadeen.Waxaa laysla dhex maray in magaca ururku ka waramayo ujeedada loo aasaasay.Bulshadu dareenkaa way qabtey, hogaamiyayaasha ururkaasina magacu wuxuu u taagan yahay iyo siduu ku baxey midna bulshada lamay wadaagin. Waxaa ururkaasi u soo gudbay kaalintii xisbinimada bishii Diisamber isla 2002kii.
Waqtigu wax tilmaami ogaa. Kala daadasho iyo kala socosho ku timid xubnaha wasiirada dawlada ee ka tirsan xisbiga Kulmiye ayaa keenay in shir saddex cisho socday la qabto .Shirkaasi wuxuu bilaabmay maalintii sabtida aheyd (Oktoober 6,2012).Inkastoo maalintii Isniintii shirkaasi loo hakiyey aaskii qaran ee loo sameeyay halyeygii qaran iyo maatida u doodihii Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaarriye(IHUN).
?Madaxweynaha Janhuuriyada SoomaaliLand Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silanyo), ayaa fadhigii maanta ee golaha wasiirada waxa uu ku wargaliyey golaha wasiirada todobaadka soo socda golohu yeelan doono kulamo socon doona saddex maalmood, kulamadaasi oo lagu qiimeynayo dibna loogu eegi doono wax qabadkii xukuumada u fuley mudadii ay jirtey iyo kuwa aan la fulin?ayuu yidhi afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul.
Shirkaa waxaa lagu soo afjarey in laysla qaatey 70% (boqolkiiba todobaatan) in hawlihiii Kulmiye loo igmadey ay qabteen.Isla warbixintaa ayey ku qornay in hawlaha aan wali qaban ee hadhsan ay dhan yihiin 130 hawlood.Tani oo u dhigmaysa marka tirada boqolayda lagu tilmaamo inay tahay 30%(boqolkiiba Soddon)-ka u hadhsan.Sidoo kale marka tiradooda boqolayda 70% (boqolkiiba todobaatan) tiro ahaan lagu cabiro waxay nnoqonaysaa inay qabteen in ka badan 303 (saddex boqol iyo saddex) hawlood.Waa ta keentay inay dadku garan waayaan hawlahan intaa leeg ee Kulmiye sheegtay,dawlada laftigooguna way ku adkaatey inay tirada intaa leeg oo hawlqabad ah soo bandhigaan bulshadana taabsiiyaan.
Wuxuu wareerkaasi sii kaalmeeyey saskii iyo anfariirkii laga qabey xisbiga Kulmiye bundhigiisii.Hase yeeshee waxay bulshadu isku qancisay malaha tirada 7(toddobada) ayey jeclaysteen ee iyaguba hawl intaa leeg baanu qabaney umay jeedin.Dhacdoooyinka aduunka waxaa summad u ah inay is-fasiraan.Doorashadii degaanka ee dhawaan qabsootey ayaa xisbiga Kulmiye wuxuu helay tirada toddoba goobaha ugu badan.
Waydiinta u baahan warcelintu waxay tahay markaa tirada Toddoba iyo Xisbiga Kulmiye maxaa isla doontay?. Marka dib loo eego dhacdooyinkaa iyo astaamahooga ayaa waxaa la garan karaa in qorshe la degay uu jiro una baahan in dib loo shaandheeyo, bulshadana la wargaliyo.
Xisbiga Kulmiye magaciisu wuxuu ka kooban yahay toddoba xaraf, saska iyo anfariirka bulshadu qaadey wuxuu ku salaysnaa inuu xisbigani yahay mid u heelan ?midnimo? raadin.Eraygaasina wuxuu ka kooban yahay toddoba xaraf. Hogaanka ururka waxaa loo gartey Silanyo oo ka kooban toddoba xaraf.Magaaladii lagu caleemo saarey laguna soo boqray Axmed Maxamed Maxamuud waxay aheyd Gar-adag oo iyaduna ka kooban toddoba xaraf. Magaaladii Kulmiye inuu madaxtinimada dalka ku soo baxo kaalin libaax ka qaadatey waxay aheyd Gabiley oo iyaduna ka kooban toddoba xaraf. Shirkii saddexda maalmood ee ummada lagu jahawareerinayey wuxuu gabogaboobey maalin Salaasa ah oo iyaduna ka kooban toddoba xaraf. Tilmaamaha sidan ahi wy tiro bateen ee maxaa ka dhexaysiiyey tirada toddoba-da ah ayaa ah waydiinta warcelin inaga sugaysa.
Dadweynaha waxaa u taala inay ka biyo-dhaliyaan waxa u galay Kulmiye tirada Toddobada ah ,ma wadaad baa ug faaliyey,mise waa sir ku aasan madaxtooyada?
Xusuusin:
Dalka Jamhuuriyada Soomaaliland waxaa ka dhacey doorashooyin dhawr ah;mid golaha degaanka ah, mid golaha baarlamaanka ah, laba madaxweyne doorasho. Dagaal muu dhicin iyo dilna hadalkiisaba daa.Maxaa Kulmiye laga filayaa doorashooyinka soo socda,maxaase Gudida Doorashooyinku bulshada reer soomaaliland ay la hortagi doonaan.
Tifatirkii Mareegata Farshaxan