Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


"Waxaannu Xus Ballaadhan U Qabanaynaa Dhalinyaradii Ku Shahiidday Gacanta Booliska" Guddoomiyaha Isbahaysiga BARAARUG Cabdilaahi Ibraahim.


(Hadhwanaagnews) Tuesday, December 11, 2012
(HWN)?Guddoomiyaha Isbahaysiga Badbaadinta Aayaha Ummadda ee ?Baraarug? Md. Cabdillaahi Ibraahin Xaaji Xasan ayaa sheegay inay xus ballaadhan u qabanayaan dhallinyaradii ku geeriyootay rabshadihii dhowaan

Hargeysa,(HWN)?Guddoomiyaha Isbahaysiga Badbaadinta Aayaha Ummadda ee ?Baraarug? Md. Cabdillaahi Ibraahin Xaaji Xasan ayaa sheegay inay xus ballaadhan u qabanayaan dhallinyaradii ku geeriyootay rabshadihii dhowaan ka dhacay xaafadda Axmed-Dhagax ee magaalada Hargeysa.

Sidaa waxa uu guddoomiyaha Isbahaysiga Baraarug Md. Cabdillaahi Ibraahin Xaaji Xasan ku sheegay Warsaxafadeed uu soo saarey. Sidoo kale waxa uu eedaymmo u soo jeediyay cid kasta oo ka

dambaysay amarka lagu laayay carruurta muddaaharaadaysay, isaga oo Xukuumaddana ugu baaqay inay tallaabo degdeg ah ka qaaddo dembiilayaashii falkaas geystay.

"Waxaannu aad uga xunnahay sidii axmaqnimada iyo naxariis-darrada lahayd ee ay ciidamada Boolisku rasaasta ugu adeegsadeen dhallinyaro aan hubaysnayn oo muddaaharaad salmi ah ku muujinayay shucuurtooda.Waxaannu cambaaraynaynnaa cid kasta oo amarkaas foosha xun bixiyay.Waxaan tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Alle ha u naxariistee Marxuum Ridwaan Cabdiraxmaan Maxamed oo dhigan jiray dugsiga hoose/dhexe ee Macallin Daa?uud iyo Marxuum Waaberi Baashe Cabdi oo dhigan jiray dugsiga hoose/dhexe ee Faadumo Biixi. Waxaannu dalbanaynnaa in sharciga la hor keeno dembiilayaashii dilalkaas geystay.Insha Allah, dhowaanna waxaannu xus ballaadhan u qaban doonnaa dhallinyaradii ku shahiidday gacanta Ciidamada Booliska".

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.