Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Wasiirka Waxbarashadda Oo Taariikhda Somaliland Markii Ugu Horeysay Lacago Guddoonsiisay Macalimiintii Hawlgabka ahaa


(Hadhwanaagnews) Wednesday, December 12, 2012
Sidoo kale macalimiintan oo muddo ku dhaw nus qarni waxbarashadda ku soo gudo jiray ayaa la guddoonsiiyay shahaado sharafyo

Hargeysa (HWN) Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Iyo Tacliinta sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa lacago markii ugu horeysay guddoonsiisay dadkii  talax gabay ee Wasaaraddaasi ka soo shaqaynayay mudada dheer.

Lacagtan oo uu cadadkeedu dhamaa 60,000 oo dollar ayaa waxa ay guddoonsiisay macalimiintii hawl gabka ahaa.

Sidoo kale macalimiintan oo muddo ku dhaw nus qarni waxbarashadda ku soo gudo jiray ayaa la

guddoonsiiyay shahaado sharafyo

Munaasibad lagu guddoonsiinayay lacagtan oo ka dhacday Xarunta Waxbarashadda ee Gobolka, waxaanay wasiirka Wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta Sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ay xustay in lacagtan ay soo gaadhsiiyeen Midawga Yurub.

Waxa ay wax lagu farxo ku tilmaantay in tan iyo intii ay Somaliland jirtay lacago intan le?eg la guddoonsiiyo Macalimiintii hawlgabka ahaa.

Dhinaca kale qaar ka mid ah macalimiintii hawlgabka ahaa oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa talaabaddan ku tilmaamay mid ay abaal wayn ugu hayaan Wasiirka wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare.

Wasiirka Wasaaradda Shaqadda iyo arrimaha bulshadda Somaliland Maxamuud Axmed Barre Garaad ayaa isna talaabadda Wasaaradda Waxbarashadu ay qaaday ku tilmaamay mid guul u ah qarankan.

Hadhwanaagnews/Office

Hargeysa/Somaliland

Contact@hadhwanaagnews.com

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.