Hargeysa(HWN):-Wasiirka Wasaarada beeraha ee Somaliland Prof Faarax Cilmi Geedoole ayaa maanta shir lagaga hadlayay mushkiladaha dhulka waxa uu ka furay huteelka Maansoor ee Caasimada Hargaysa.
Shirkan oo ay ka soo qayb galeen Wasaaradaha Qorshaynta Qaranka, Hawlaha Guud,Xanaanada Xoolaha,Cadaalada ,Agaasimaha Guud ee Wasaarada Beeraha iyo Mas?uuliyiin kale oo ka kala socotay hay?ada FOA.
Waxaa shirkan lagu lafo guray ahmiyada dhulku u leeyahay nolosha dadka iyo duunyada iyo sidii loo kala xadayn lahaa beeraha iyo dhul daaqeenka.
Wasiirka Wasaarada Beeraha ee somaliland Mudane Faarax Cilmi Geedoole oo kulankaasi ka hadlay ayaa ka codsaday mas?uuliyiintii ka soo qayb gashay inay si dhab ah uga
dhiibtaan talooyin iyo qorshayaal lagu samaynayo siyaasad cad oo qaran oo laga yeesho arrimaha Dhulka.
Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire oo kulankaas ka hadlay ayaa ka waramay baahida balaadhan ee laga leeyahay Siyaasad Qaran oo laga yeesho arrimaha dhulka isla markaana wax ka tarta khilaafaadka marar badan ka dhasha.
Kulankan oo ahaa kii labaad ee noociisa ayaa loo balamay in dib la isugu soo laabto bisha Janaury ee sannadka cusub ee 2013.
Hadhwanaagnews/Office
Hargeysa/Somaliland
C/casiis Caydiid Cilmi(Yamani)
abdiaziiz@hadhwanaag.org