Maxkamadda Gobalka Hargeysa Oo Guddiga Doorashada Ku Celisay Go´aankii Ay U Gudbiyeen iyo qodobada ay cuskatay
Hargeysa(HWN)-Maxkamadda gobalka Maroodi-jeex ayaa guddiga doorashooyinka qaranka dib ugu celisay natiijadii degmada Hargeysa ee doorashadii deegaanka oo ay Isniintii doraad si rasmi ah ugu gudbiyeen, waxaana la filayaa inay maxkamadu go´aankeeda gaadhsiiso guddiga doorashooyinka.
Guddoomiyaha guddiga doorashada qaranka Md. Ciise Yuusuf Xamari, ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray wuxuu ku sheegay in guddigu go´aansaday in loo gudbiyo natiijaddii doorashadda ee degmadda Hargeysa maxkamadda gobolka Maroodi-jeex, markii uu Komishanku dib u eegis ku sameeyay." Ayuu yidhi natiijadii degmadda, isla markaana hufid ku sameeyay xogta goobaha codbixineed ee faro-weyne oo ah degmo doorasho oo ka tirsan caasimadda Hargeysa.
Hase yeeshe guddoomiyaha maxkamadda gobalka