Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Wasiirka Ganacsiga oo Berbera Ka Furay Carwo Casriya oo Qalabka Guryaha iyo Xafiisyada ah ,Waa Carwada Alnuur Falnayjar"


(Hadhwanaagnews) Thursday, December 13, 2012
Berbera-(HWN)- Maanta ayaa magaalada berbera waxaa laga furay carwo dii u horaysay oo ah mid casriya oo lagu iibindoono qalabka

Berbera-(HWN)- Maanta ayaa magaalada berbera waxaa laga furay carwo dii u horaysay oo ah mid casriya oo lagu iibindoono qalabka guryaha iyo xafiisyada ,

 Furitaankii carwadan ayaa waxa kazoo qaybgalay wasiiradad ganacsiga iyo kaluumaysiga ee Somaliland ,xildhibaano baarlamaanka  ka tiesan ,ganacsato kala duwan iyo qar kamida madaxda gobolka saaxil iyo waliba afti culus oo  wafti kasocday dalka itoobiya oo lagu casuumay furitaanka carwadan alnuur falnayjar ,

 Xaflada waxa ugu horayn hadalka qaatay  mawliid dheere oo ku hadlaayay magaca shirkadan carwada furtay  waxaanu halkaa ka sheegay baaxada aay

leedahay furitaanka carwadani oo loogu talo galay in aay saldhig u noqoto xarumaha shirkadan alnuur falnayjar ee geeska afrika , ewxaanu xusay ibn adeega shirkadani bixinaysaa uu yahay mid guud ahaan ku filan wadamada grrska afrika ,qalabka ayuu sheegay in uu isna yahay midtayadiisu aad u sarayso,waxaanu aad ugu mahadnaqay madaxdii kala duwanayd ee madshaa kazoo qaybgashay.

 Waxaisaguna gobbtaa ka hadlay madaxa shirkadan ee berbera oo ku tilmaamay ganacsiga shirkadan alnuur ay wadaa in uu yahay mid horumarineed oo dalka oo dhan laga hirgalin doono,waxanu sheegay in ay soo kordhiyeen in wax lagu lagu kala iibsado habka casriga ah ee Onlaine ka adigoo isticmaalaya internetka ,dabcvana adigoo xafiiskaaga jooga  ama gurigaaga meelkasta ha ahaato e laguu keenayo qalabkii aad iibsatay.

 Masuulkan qaabilsan maamulka berbera ee shirkadan alnuur falnayjar  maxamed carablaw ayaa ugu baaqay bulshada kala kala duwan in aay u hayaan adeegaa casriga ah iyo qalabkaa cusuib ee ah ka ugu danbeeyay ee caalamka lagu istucmaalo  waxaanan idinku soo dhawaynaynaa ayuu yidhi gacmo furan, waxaanu aad ugu mahadnaqay masuuliyiintii kala duwanayd iyo martishrafkii kazoo qayb galy furitaankii carwadan.

 Wasiirka wasaarada gancsiga  ayaa si qoto dheer uga hadlay faaiidada aay shirkadani aay soo kordhisay waxaanu yidhi ,

Aad baan ugu faraxsanahay in aan kazoo qayb galo goob maalgashi dalka lagu samaynayo oo waliba inagu xidhaysa suuqyada caalmiga ah  ,shaqo abuurna samaynaysa ,waxaan xasuustaa ayuu yidhi xafladii aay shirkadani ku qabatay hargaysa oo aad u koobnayd iyo horumarka aay manta sameeyeen oo ah mid caalmiya,aad ayaan u hambalyaynayaa ganacsatadan alnuun falnayjar  waana talaabo hore loo qaaday,

 Dabcana maareeyayaasha dekada iyo haamaha  cumar abokar jaamac iyo cismaan cabdi barkhadle ayaa dhankooda ku amaanay ganacsadaha  dad yare e cabdiraxmaan maxamed nuur oo ah mulkiil;aha shirkadan sida uu isugu taxalujiyay ka midho dhalinta hrumarka ganacsigiisa ,waxaanay yidhaahdeen waa noo sharaf in uu berbera ka furo ganacsigaa intaa leeg ama malgashi,

 Ugu danbayn ganacsatada kala duwan ee halkaa ka hadlay waxa kamida  yuusuf cali nuur,maamulaha shirkada  Oomaar kambani waxaanay  aad ugu amaaneen shirkadan curdinka ah horumarka aay kasamaysay ganacsiga iyo xidhiidhka caalamiga ah ee aay samaysay oo faan u ah dadka reer Somaliland.

Munaasibadan ayaa aakhirkii maareeye kuxigeenka dekada berbera cumar abokor jaamac waxa uu shahaado sharaf ah horumarinta iyo maalgashiga uu gudoon siiyay mulkiilahah shirkada alnuur   cabdiraxmaan maxamed nuur

 

Wariye yasin jama ali

Hadgwanaag news berbera


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.