Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Madaxii Golihii Ku-Meel Gaadhka Libya Ee Xukunka Ka Tuuray Qadaafi Oo Loo Haysto Dilka Taliyihii Ciidamada Mucaaridka Gen Yoonis


(Hadhwanaagnews) Thursday, December 13, 2012
Tripoli, (HWN/Agencies):- Hogaamiyihii golaha ku meel gaadhka Libya ee xukunka kacdoonka kaga tuuray, hogaamiyihii hore ee Libya Col. Mucaamar

Tripoli, (HWN/Agencies):- Hogaamiyihii golaha ku meel gaadhka Libya ee xukunka kacdoonka kaga tuuray, hogaamiyihii hore ee Libya Col. Mucaamar Al Qadaafi, Mustafa Cabdi Jaliil iyo Raysal wasaarihii ugu horeeyay ee golaha ku meel gaadhka Libya Maxamuud Jibriil ayaa maxkamad ciidamada milatariga Libya ku eedeysay dilka abaanduulihii kacdoonka Gen. Cabdi Fataax Yuunis.

General Cabdi Fataax Yoonis ayaa lagu dilay meel u dhaxaysa magaalooyinka Bareega iyo Ras- Lanof ee dalka Libya bil uun ka hor intaan xukunka laga tuurin Mucaamar Al Qadaafi, wakhtigaas oo dirirta u dhaxaysay, guutooyinkii Qadaafi iyo

mucaaridka Libya marayeen halkii ugu kululayd.

Dilka taliyihii ciidamada mucaaridka Libya Gen. Yuunis ayaa u dhacay hab mugdi badani ku jiro, waxaana ka dhashay su?aalo badan oo la iska waydiiyay, gaar ahaan waxa jiray warar xiligaas oo baxayay oo tilmaamayay ama ka dayrinayay in golihii ku meel gaadhka Libya ee dunida inteeda badani aqoonsatay uu ku kacay, hawl galo lagu khaarajinayo hogaankiisa kala duwan.

Haddaba maalintii salaasadii ayaa maxkamada milatariga dalka Libya soo saartay, saman ay socdaalada dalka dibadiisa kaga joojinayso, hogaamiyihii golihii ku meel gaadhka Libya ee xukunka ka tuuray Qadaafi iyo raysal Wasaarihiisi ugu horeeyay Mustafa Cabdi Jaliil iyo Maxamuud Jibriil, labadan nin oo ahaa hogaankii ugu sareeyay ee siyaasada iyo maaliyada mucaaridka Libya.

Afhayeen u hadlay maxkamada milatariga Libya oo lagu magacaabo, Majdi Baracisa ayaa warbaahinta u sheegay, in hogaamiyihii Mucaaridka Libya Mustafa Cabdi Jaliil loo haysto oo lagu eedaynayo inuu si khaldan u isticmaalay hogaamintii umada, isla markaana uu ku kacay masuuliyad daro, kala qaybsanaan abuuri gaadhay.

Afhayeenkan ayaa tilmaamay in maxkamada Milatariga Libya u haysato Mustafe Cabdi Jaliil in aanu si haboon u gudan waajibkii saarna, waxa uu xusay in safarada dibada laga mamnuucay inta baadhistu ku socoto, waxa kale oo uu ka waramay, damaanad lagu sii daayay si uu dibada ugu sugo dacwadiisa.

Ugu danbayntii afhayeenkan ayaa sheegay in Mustafa Cabdi Jaliil dacwadiisa la furi doono bisha febraury ee inagu soo foolka leh, wakhtigaas oo dhagaysigeedu bilaabmi doono, waxa kale oo dacwadan sidoo kale u eedaysan, wasiirkii maaliyada ee ugu horeeyay mucaaridka Libya, isla markaana noqday raysal wasaarihii ugu horeeyay ee xukuumadii ku meel gaadhka ahayd ee xukunka ka tuurtay Qadaafi.

 

Faysal Maxamed Xasan

Hadhwanaag/Office Hargeysa Somaliland

faysal@hadhwanaag.org

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.