guursadeen, in ka badan, lix boqol oo lamaane kaas oo ka dhacay magaalada caasimada u ah dalkaas ee Manila.
Waddamo kale oo tiro badan ayay iyagana ka dhaceen, guur iyo aroos wadareedyo, waxa kale oo dhacay heshiisyo iyo arrimo kale oo looga faa?iidaystay, dalka waqooyiga Kuuriya ayaa isna ku xusay, gantaal kuwa ridada dheer ah oo uu kaga nixiyay, dalalka Maraykanka, Jaban iyo Waqooyiga Kuuriya kaas oo uu u diray meel ka baxsan oogada sare ee gibilka dhulka (orbit).
Lixda boqol ee lamaane oo guurkoodu ka dhacay dalka Philippine maalintii shalay ayaa sida la sheegay da?doodu u dhaxaysay, 19-jir ilaa shan iyo lixdan jir, kuwaas oo sida muuqata ka koobnaa ayni kasta oo bulshada ka mid ah, waxaanay dhigteen aroos wadareed aad u qiiro badnaa oo kooxaha iyo fanaaniinta ugu qaalisan dalkooduna si bilaa lacag ah ugu tabaruceen iyaga oo ku cisaynaya ugana dan leh in ay farxadooda kala qayb qaataan.
Waxa kale oo warbaahinta kala duwan ee dunidu ka waramayeen, carruurta 12-12-2012-ka ku dhashay cusbitaalada, gaar ahaan kuwii ku beegmay markii saacadu ku buuxsantay 12-kii duhurnimo, halka sidoo kale ay iyaga laftoodu ahaayeen kuwo la xusay carruurta da?doodu 12-jirsatay shalay iyo qoysaska arooskoodi laba iyo tobanka sanadood ka soo wareegeen.
Sida dadka taariikhda daraaseeya sheegayaan, waxa dhamaaday oo soo gaba gaboobay toban sanadood oo lahaa taariikho isku eg eg, sida 01-01-2001, 02-02,2002, ilaa 08-08-08-kii iyo 09-09-09-kii iyo sanadkii hore maalmihii iyo bilihii isku toosnaa oo ku soo gaba gaboobay maalintii shalay ee 12-12-12, ka dib marka la gaadho sanadka soo socda ee 2013-ka miilaadiga oo aanay jirayn taariikhahaas isku toosayaa.
Faysal Maxamed Xasan
Hadhwanaag/Office Hargeysa Somaliland
faysal@hadhwanaag.org