Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Al Shabaab oo Dagaal Jidgooyo ah oo Khasaro Badan Geystay La Gashay Ciidamada Milatariga Ethobia oo Ku Sii Jeeday Degmada Bardaale Ee Gobolka Bay.


(Hadhwanaagnews) Thursday, December 13, 2012
Baydhabo-(HWN)- Wararka Hadhwanaagnews ka soo gaaraya gobolka Bay ayaa sheegay in Xarakada Al Shabaab ay dagaal culus la

Baydhabo-(HWN)- Wararka Hadhwanaagnews ka soo gaaraya gobolka Bay ayaa sheegaya in Xarakada Al Shabaab ay dagaal culus la gashay ciidamada Milatariga Ethobia oo ku sii jeeday inta u dhaxaysay Degmada Bardaale iyo Yurkud halkaasi oo ka dhacay dagaal Khasaaro badan geystay.

Dad goob joogayaal ah oo ku sugan halka uu dagaalka ka dhacay ayaa sheegaya in ciidamada mailatariga qarax Miino lala eegtay gaari nuuciisa yahay Uuraalka kadibna uu bilowday dagaal culus oo faraha looga gubtay.

Qaraxa kadib waxaa ciidamada

Ethobia iyo kuwa al Shabaab dhex maray dagalal mudo saacad ku dhow socday waxaana dadka deegaanka ay maqlayeen qoryaha cul culus iyo kuwa fud fud oo ciidamada dirirtu ka dhaxeyso ay isku adeegsanayaan.

Khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi xoogan ayaa lagu soo waramayaa in ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 15 ruux kuwaasi oo dhamaantood ka kooban ciidamada uu dagaalka ka dhaxeeyay iyo dhaawac intaa ka sii badan.

Xarakada Al Shabaab tan iyo intii looga adkaaday dagaaladii ka dhacay gudaha Muqdisho iyo gobolada dalka Soomaaliya aya bilowday dagaalo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah.

Xasan Kuuriya

Hadhwanaagnews/Office Muqdisho

xasankuuriya@yahoo.com

 

 

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.